Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Maraykan ah oo booqday garoonka iyo dekedda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   
1000095447.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Gen. Dagvin Anderson, safiir ku-xigeenka safaaradda Maraykanka ee Muqdisho Justin Davis iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa maanta booqday magaalada xeebeedka Berbera.

Wafdiga Maraykanka waxay indho-indhayn ku soo mareen dekedda iyo garoonka diyaaradaha magaalada Berbera oo muddo la hadal hayay in uu Maraykanku ka rabo saldhig militari.

1000095448.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Wafdiga Maraykanka inta aysan tagin Berbera waxay Hargeysa kula kulmeen madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, waxaana la sheegay in ay ka wadahadleen arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo hadda leh muhiimad aad u weyn oo dhinaca socdaalka ah.

1000095429.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Dhanka kale wafdiga Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah Boosaaso kula kulmaan ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta magaaladaas gaaray, waxayna ka wadahadli doonaan arrimo ay ka mid tahay dagaalka Daacish.

PUNTLAND POST

The post Wafdi Maraykan ah oo booqday garoonka iyo dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this