Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamse: Waa in la sameeyo Madasha Garaadka Macmalka ah (AI) ee quseeya…..

Recommended Posts

Deeq A.   
1000095513.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa hadal ka jeediyay furitaanka Madasha Caalamiga ah ee MEdays oo ka qabsoontay dalka Marooko.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa khudbadiisa ku soo jeediyay abuurista Isbahaysi Baddeed oo u dhaxeeya Afrika iyo dalal dhaca Badweynta Atlantica oo ay Afrika hoggaaminayso, furitaanka marin ganacsi oo dhanka badda ah oo isku xira Bariga Afrika iyo dalka Morooko.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale ku baaqay in la asaaso Sanduuqa Maalgashiga ee Daanta Koonfureed ee dunida (Global South) iyo waliba in la yagleelo Madasha Garaadka Macmalka ah (AI) ee quseeya dhaqamada iyo afafka dalalka Koonfureed ee dunida.

1000095514-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Ra’iisul Wasaare Xamse uu socdaalkiisa ku weheliyo wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka mid ah madaxda qarameed ee ka qeybgalaya Madasha MEdays ee sanadlaha ah oo ah tii 17-aad, kana soo qeybgalayeen ergo dunida inta badan ka socota.

Inta uu Marooko joogo ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse kulan doceedyo la yeelan doonaa madax kala duwan oo dunida ka socota, kuwaas oo uu kala hadlayo xoojinta xiriirada iskaashi iyo danaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Xamse: Waa in la sameeyo Madasha Garaadka Macmalka ah (AI) ee quseeya….. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this