Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo baaq u diray madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
1000095512.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diray baaq ku aadan xaaladda adag ee abaaraha dalka.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xaalad bini’aadantinimo ay ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, taas oo uu tilmaamay in ay saameysay ku dhowaad 5 milyan oo qof oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan.

Farmaajo waxa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay u midoobaan ka jawaabista xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay
in ay u istaagaan samatabixinta dadka dhibaataysan ee ay saameeyeen abaaraha, maadaama buu yiri ay hoos u dhacday kaalmadii bin’aadantinimo ee caalamiga.

1000095492.jpg?resize=1000%2C1415&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Farmaajo oo baaq u diray madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this