Sign in to follow this  
Deeq A.

John Bolton: “Trump  heshiis ganacsi uu la galo Shiinaha ayaa kaga weyn Taiwan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Wararka PP ) John Bolton, oo mar ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Trump muddo xileedkiisii kowaad ayaa u sheegay majaladda The Econonimst in Trump uu heshiis ganacsi uu la galo Shiinaha sababi karo in Taiwan ka mid noqoto dalka Shiinaha.

Bolton ayaa yiri: “Muddo xileedkiisi kowaad Trump wuxuu la soo baxay qalinkiisa Sharpie ah oo taabtay caaradda qalinka isagoo yiri ‘waa tan Taiwan’, kaddibna uu miiska taabay oo yiiri ‘waa kan Shiinaha’.”

1000095735-1.jpg?resize=828%2C1284&ssl=1John Bolton wuxuu aad uga soo horjeedaa siyaasadda Donald Trump.

Dhowaan maamulka Trump ayaa dacwad ku soo oogay Bolton. Waxaa lagu eedeeyay Bolton “8 dambi oo ah gudbinta xog ku saabsan difaaca qaranka iyo 10 dambi oo ah haysashada sharcidarrada ah ee xog ku saabsan difaaca qaranka.”

Dowladda Maraykanku waxay aqoonsan tahay in Taiwan ka mid tahay Shiinaha, halka Shiinuhu uu qaatay siyaasad ah in marnaba aan xoog loo isticmaalaynin si Taiwan loogu soo biiriyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha,  oo uu Mao Zedong asaasay 1949kii.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa wariyay in Trump, oo dhowaan la hadlay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, kaddibna uu la hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Jabaan, Sanae Takaich,  oo uu sheegay inaysan hadallo maagis ah ku oranin Shiinaha.

© Puntland Post, 2025

The post John Bolton: “Trump  heshiis ganacsi uu la galo Shiinaha ayaa kaga weyn Taiwan” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this