Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa in Yuusuf Garaad raalligelin siiyo qoyska Ciise Maxamed Siyaad

Recommended Posts

Deeq A.   
1000095670.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1Ciise Maxamed Siyaad wuxuu saameyn weyn ku lahaa cilmibaarista af Soomaaliga.

Muqdisho (Ra’yi ) — Dhowaan waxay xarunta Faarax Shuuriye qabatay barnaamij fogaan-arag ah oo lagu xusayay cilmibaaristii Ciise Maxamed Siyaad oo bare sare ka haa  Kulliyadda Afafka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka hor 1991kii. Ciise dhowaan ayuu ku geeriyooday Muqdisho. Xusuus sharafeedka waxaa ka qeybgalay dad la soo shaqeeyay Ciise iyo dad uu wax uu baray intaba.

Kulanku wuxuu ku saabsanaa aqoontii uu Ciise u soo kordhiyay cilmibaarista af Soomaaliga. Dadka ka hadlay kaalintii cilmibaariseed iyo waxbaris ee Ciise waxaa ka mid ahaa Cabdalla Mansuur, oo ay soo wada shaqeeyeen, Waasuge oo uu Ciise bare u  ahaa iyo ardayad Ciise ku tilmaantay inuu ahaa bare sare oo u sinnaanta fursadaha aamminsanaa. Waxaa kale oo kaalintii ciise ka hadlay Yuusuf Garaad Cumar oo uu Ciise wax soo baray marna ahaa tafaftiraha Laanta af Soomaaliga ee BBC.

1000095676.jpg?resize=400%2C400&ssl=1Yuusuf Garaad weerar shaqsiyadeed ayuu ku qaaday Ciise Maxamed Siyaad oo aan isdifaaci karin.

Yuusuf Garaad wuxuu sheegay in Ciise uu u xilsaaray soo ururinta ereyo af Soomaali ah oo loogu talaggalay qaamuus af Soomaali keliya ah oo shaqadiisu socotay bartamihii siddeetamaadkii. Wuxuu intaas ku daray in Ciise ka joojiyay isaga (Yuusuf) shaqada kaddib markii uu ogaaday in ereyada uu soo ururiyo ay aad uga yar yihiin lacagta lagu siiyo soo ururinta ereyada. Waa war wanaagsan in xilligaas Ciise ka mid ahaa dadka tirada yar oo ka horjeeday musuqmaasuqa iyo qaraabakiilka, sida in qof mushaar uusan xaq u lahayn naasnuujin ahaan loo siiyo. Gabagadbadii Yuusuf Garaad wuxuu meel uga dhacay Ciise Maxamed Siyaad oo uu ku tilmaamay inuu noqday nin xanaaq-badan taasna ay keentay in xiriirkoodii yaraaday.  Waa markii labaad uu Yuusuf qof mootan hadal duris ah ka daba tuuray. Toban sano ka hor markii Axmed Xasan Cawke geeriyooday, Yuusuf Garaad wuxuu qoray xusuus aan lala dhicin oo ku saabsan mar Cawke uu joogay rayisle (baarbiyeeri) ku yaalla bartamaha London. Ma habboona in hadalkii Yuusuf qoray sidiisa loo soo xigto.

1000095697.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1Ciise Maxamed Siyaad oo 2015kii khudbad ku saabsan af Soomaaliga ka jeedinayay Jaamacadda SIMAD.

Yuusuf waa qofka keliya ka hadlay kaalintii siyaasadda ee Ciise Maxamed Siyaad kaddib 1990kii inkastoo barnaamijku ku saabsanaa cilmibaaristii af Soomaaliga uu Ciise Maxamed Siyaad sameeyay ka hor iyo kaddib 1990kii. Waxaan filayay in Xuseen Wadaad iyo Bashiir Maxamuud Xirsi (Ina Cubtan) ay xakamayn doonaan Yuusuf Garaad markuu laba jeer ka baxay arrintii laga hadlayay si loo xusuusto kaalinta lama-illoobaanka ah uu Ciise Maxamed Siyaad ku leeyahay horumarinta af Soomaaliga.

Aadan M. Xuseen waa bare sare oo taariikhda ka dhiga jaamacad ku taalla Muqdisho.

© Puntland Post, 2025

The post Waa in Yuusuf Garaad raalligelin siiyo qoyska Ciise Maxamed Siyaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this