Deeq A. Posted 7 hours ago Baarlamaanka lixaad ee Puntland ayaa markii ugu horreysay curiyay xeer cusub, kaas oo ah xeerka hay’adda tayo-dhowrka badeecadaha oo sida la sheegay baahi weyn loo qabay. Baarlamaanka Puntland ayaa shalay oo khamiis ahayd meelmariyay xeerkan oo dhigaya in la dhiso hay’ad madax-bannaan oo hubisa badeecadaha, kaddib marka uu maxweynuhu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda. Hay’adda tayo-dhowrka ayaa sida la sheegay noqon doonta mid u taagan hubinta tayada cuntada, biyaha, daawada iyo dhammaan badeecadaha kala duwan ee soo gala deegaannada Puntland, sidoo kale waxa ay hubin doontaa badeecadaha lagu sameeyo gudaha iyo kuwa loo dhoofiyo dibada. PUNTLAND POST The post Puntland oo dhisaysa hay’adda tayo-dhowrka badeecadaha appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites