Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐ˆ๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ฒ

Recommended Posts

Deeq A.   

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐ˆ๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ฒ

FB_IMG_1764009673870-300x242.jpg

FB_IMG_1764009645712-300x200.jpg

FB_IMG_1764009654300-300x200.jpg

FB_IMG_1764009658546-300x292.jpg

FB_IMG_1764009662735-300x295.jpg

FB_IMG_1764009667283-300x200.jpg

FB_IMG_1764009650275-300x200.jpg
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska (UK), Mudane Charles King iyo Wefti uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac. Safiirka waxa kulanka ku wehelinayey Masuuliyiinta ugu sarraysa Xafiiska uu Ingiriisku ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid muhimmad weyn u lahaa Qaranka JSL, waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirro iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si laab-furan u soo dhaweeyey Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, isaga oo uga mahad naqay xidhiidhka taariikhiga ah, isfahamka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda UK.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay taageerada xagga amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ay Boqortooyada Ingiriisku siiso Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in xidhiidhka Istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada Dal uu yahay mid ku dhisan kalsooni taariikhi ah, is-qaddarin, wada shaqayn, iyo dano-wadaag midho-dhal ah.ย  Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in Xukuumadda Somaliland ay ka goโ€™an tahay sii xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dal, isaga oo xusay in UK ay tahay saaxiib dhow oo Jamhuuriyadda Somaliland la garab taagan horumar, amni iyo horumarka bulshada.Isaguna dhankiisa, Safiirka Boqortoyada Ingiriiska Charles King waxa uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey in Dawladdiisu ay si weyn u qiimaynayso xidhiidhka adag ee taariikhiga ah ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.Safiirka Boqortooyada Ingiriiska waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey, amniga iyo xasiloonida ka jira, hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah, dedaallada nabadeed ee ay waddo Dawladda JSL, gaar ahaan xasilinta Gobollada Bariga, isaga oo Madaxweynaha ku bogaadiyey gogoshii nabadda ee Ceerigaabo. Sidoo kale, Safiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in la dhiirri-geliyo Maalgashiga gaarka loo leeyahay, maadaama uu yahay furaha koboca dhaqaalaha.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada-shaqaynta joogtada ah ee u dhaxaysa Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this