Deeq A. Posted yesterday at 07:21 AM Foolkaanaha ka qarxay Itoobiya iyo cabsida laga qabo Folkaano ayaa ka qarxay gobolka Afdera ee Itoobiya gelinkii dambe ee sabtigii. Marka hore waxaa la arkay qiiq samada galay iyo qarax aad u weyn sidaasina waxaa BBC-da u sheegay Prof. Atalay Ayyele oo ah madaxa cilmibaarista hawada sare iyo xidiga ee jaamacadda Finfinnee. “Xogta dayax gacmeeedka waxay muujineysaa in folkaanaha uu ka qarxay meel 10 kiilmitir koonfur kaga began Fantaallee”. Qaraxa folkaanaha waxa uu socday ilaa galabtii oo dhan iyadoo dambastiisu ay gaartay 13716 oo mitir. Qaraxa folkaanaha ma uusan sababin dhulgariir sida uu sheegay Atalay oo intaas ku daray in aysan jirin wax cadeynaya in la diwaangeliyay cabirka heerka uu gaarsiisnaa folkaanaha. Folkaanaha noocaan oo kale ah wuxuu qarxaa marka xoogga dhulka uu sababo in uu kor u qaado cadaadiska. Sida lagu arkay qariidada muujineysa dambasta folkaanaha iyo heerka ay gaarsiisan tahay ayaa muujineysa in dhinaca Djibouti iyo Yemen uu u socday. Waxaa sidoo kale laga baqayaa in ay ilaa iyo Cumaan uu gaaro. Dambasta ka soo baxda qaraxa folkaanaha waxaa ka sameysma waxyaabo badan oo ku keeni kara bani’aadanka dhibaatooyin caafimaad. Sidoo kale waxay dambasta folkaanaha dhibaato caafimaad u geysan kartaa xoolaha. Si kasta ha ahaatee, waxyeelada ma ahan mid xadidan marka la eego ilaa inta ay duufaantu socon karto iyo goobta uu ka qarxay folkaanaha oo ah meel aad u sareysa. Goobta uu folkaanaha ka qarxay waa dhul sare. Maadama aysan dad iyo xoolo u dhaween goobta waxaa suuragal ah in taasi ay yareyso waxyeelada ka dhici karta dhulka uu ka qarxay folkaanaha. Qoraal ka soo baxay xafiiska caafimaadka gobolka Cafarta ayaa lagu sheegay in dadka ay muujiyaan taxadar si looga fogaado waxyeelo dheeri ah oo ay adag tahay in wax degdeg looga qabto. “Waa in la taxadaraa maadama dambasta iyo qiiqaha wada socda ee ka yimid folkaanaha markii uu qarxayay ay keeni karto dhibaato caafimaad”. Folkaanaha waxa uu ka qarxay degmada Afdera ee gobolka Kilbelti Raasuu sida ay sheegeen xafiiska caafimaadka gobolka oo intaas ku daray in qiiqa iyo dambasta folkaanaha ay gaartay jiho kasta. Marka uu qarxo folkaanaha waxaa suuragal ah in uu waxyeelo u geysto kaabayaasha, waxaana jira in qiiq sun ah oo uu soo daayo. Xigashada Sawirka,Wikipedia Xafiiska waxa uu u sheegay dadka deegaanka in ay afka iyo sanka xirtaan ilaa inta qiiqa iyo dambasta ka dhalatay folkaanaha ay meesha ka baxeyso. Xafiiska caafimaadka gobolka Cafarta waxay goobta geeyeen shaqaalo caafimaad oo xirfad leh si looga hortago dhibaatooyin hore leh oo ka dhashay halkaas. Hilaal Maxamed Cumar waa bare jaamacadeed oo khabiir ku ah isbaddelka cimilada iyo maareynta musiibooyinka. Wuxuu BBC-da u sheegay in saameyn weyn uu leeyahay folkaanahan. “Folkaanaha waa mid 10-kii sano ee u dambeeyay la saadaalinayay in uu dhacayo, walow la arkayay wajiyo kala duwan, waana folkaano aad u sareeyo oo niiciisa hore loo arag” Hilaal ayaa kulataliyay dadka u dhow goobaha uu falkaanahaka qarxay gaar ahaan xoolo dhaqatada in ay ka fogaadaan. Prof. Attaly waxa uu sidoo kale sheegay in qaraxa folkaano ee sidaan u dhaca in uu ka hortagi karo goobaha u nugul dhulgariirka. Ma ahan markii ugu horeysya ee gobolka ka qarxo folkaano. Goobta uu qarxay ayaa ka mid ah meelaha ugu kulul adduunka. Qaabka uu u qarxo folkaanaha waa uu kala duwan yahay, waxayna taasi ku xiran tahay nooca iyo lakabyada dhulka uu ka soo baxayo. Bbcsomali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites