Sign in to follow this  
Deeq A.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ž๐ง๐ฆ๐š๐ซ๐ค

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1764099496586-300x167.jpg

FB_IMG_1764099492902-300x183.jpg

FB_IMG_1764099501052-300x185.jpg

FB_IMG_1764099509024-300x213.jpg

FB_IMG_1764099521748-251x300.jpg

FB_IMG_1764099545665-300x200.jpg

FB_IMG_1764099549466-269x300.jpg

FB_IMG_1764099529785-300x271.jpg

FB_IMG_1764099533496-300x261.jpg

FB_IMG_1764099537251-300x263.jpg

FB_IMG_1764099541773-300x292.jpg

FB_IMG_1764099525917-295x300.jpg

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ž๐ง๐ฆ๐š๐ซ๐ค

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan istiraatiiji ah kula yeeshay Safiirka Dalka Denmark, Mudane Steen Sonne Andersen.

Madaxweynuhu waxa uu Safiirka iyo Dowladda Denmark uga mahad naqay taageerada joogtada ah ee ay Somaliland ka siiso dhinacyada horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, hayโ€™adaha dawliga ah, iyo taageerada farsamo ee ku wajahan hannaanka doorashoyinka iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka goโ€™an tahay sii xoojinta iyo balaadhinta xidhiidhka labada dal, gaar ahaan iskaashiga amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo barnaamijyada horumarineed.

Dhankiisa, Safiirka Dalka Denmark, waxa uu Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ku hambalyeeyay dedaallada nabadeed iyo horumarka wanaagsan ee laga gaadhay dhismaha nabadda iyo xasilinta Gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dawladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland ka siiso xagga dhismaha nabadda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta hayโ€™adaha muhiimka u ah maamul wanaagga.

Dhinaca kale, Safiirka Denmark waxa uu dul istaagay barnaamijyada horumarineed ee Denmark iyo hawlaha waaweyn ee ay ka waddo Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweynaha kala hadlay hab-sami-u-socodka arrimaha doorashooyinka iyo mashruuca dimuqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday isfaham iyo in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan arrimaha nabadda, xasilloonida iyo horumarka Gobolka Geeska Afrika.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this