Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee bay ciidamada amaanka ee Kenya gudaha ugu galeen xadka Itoobiya oo ay dil uga geysteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Sidee bay ciidamada amaanka ee Kenya gudaha ugu galeen xadka Itoobiya oo ay dil uga geysteen

Ciidamada ammaanka Kenya oo ka soo tallaabay magaalada Mooyaale ee dalka Itoobiya ayaa la shegay inay dileen hal qof, mid kalena ay xireen, sida ay BBC-da u sheegeen xubno ka tirsan qoyska iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

Ninka la sheegay inay toogteen askar ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu magacaabaa Cabdub Wariyo, wuxuuna ahaa maamulkii iyo sarkaalkii ammaanka tuulo ku taal xadka Itoobiya.

BBC-da oo la hadashay walaalka nin ay ciidamada ammaanka Kenya ku dileen Mooyaale ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa aabaha todobo carruur ah.

“Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka soo tallaabay xadka Itoobiya, waxayna ku dileen 02 villages oo magaalada Moyale ka tirsan,” ayuu yiri.

Cabdub Wariyo waa maamulka tuulada iyo taliyaha amniga.”Booliska Kenya ayaa ka soo tallaabay xadka, waxayna isku dayeen inay qabtaan nin Itoobiyaan ah.

“Sideed xuduudahayaga u soo geli kartaan oo aad dadka u xiri kartaa? Sideed ku tagi kartaa Kenya? ayaa intaa raaciyeen ddaka BBC la hadlay.

Ma jirin wax dhibaato ah oo dhanka ammaanka ah ka hor inta uusan falkaasi dhicin, wuxuuna intaasi ku daray in Booliska Kenya aysan horay u soo gelin xuduudka Itoobiya oo ay dambiyo noocan oo kale ah ka geysan.

Dadka ayaa cambaareeyay dilka, waxayna sheegeen in aysan jirin dhibaato kale oo ilaa hadda jirta balse aysan garaneyn waxa dhici doona mustaqbalka

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this