Deeq A. Posted 8 hours ago Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si weyn uga carootay arrin ay maanta ku kacday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku aadan howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, kaas oo ka dhacay aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda, laguna daabacay bogga Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi oo lagu beegsaday Al-Shabaab ay fuliyeen ciidamada Xoogga, qaybtooda 43-aad iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, iyadoo aan lagu xusin doorka ciidanka Jubbaland, taas oo uu ka xumaaday maamulka. “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas jab culus lagu gaarsiiyey cadowga Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri qoraalka ay shaacisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya. Intas kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo sheegay in aan la aqbali karin warka kasoo yeeray warbaahinta Qaranka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la xaqiray Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland. “SNTV waxay ku kacday xaqiraad aan la aqbali karin, iyagoo gebi ahaanba ka tagay muujinta dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Jubbaland ee ka dagaallamaya jihada Jamaame” ayuu yiri Wasiirku. Sidoo kale wuxuu ku daray “Warbaahin qaran oo diida inay hal cod siiso ciidamo Soomaaliyeed oo dhiiggooda u huraya dalka waa mas’uuliyad-darro culus. Jubbaland kama yeelayso in aan cod la siin ama la xusin geesiyaasheeda”. Dhanka kale, waxa uu boggaadiyay doorka Ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee haatan xooggiisa uu ka socdo gobolka Jubada Hoose. “Geesinimada ciidamada SNA iyo Danab ee nala safan, nala dagaallamaya, waa bogaadinaynaa, waa sheegnay, waana xuseynaa. Waxaan ku baaqeynaa in SNTV ay si degdeg ah u saxdo khaladkan weyn ee ay galeen” ayuu mar kale yiri Cabdifitaax Mukhtaar. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa horay isugu hayay arrimaha guud ee siyaasadda iyo doorahooyinka oo ay ku kala tageen, waxaana hadda soo kordhay dagaal cusub oo ku aadan dhinaca howlgallada, taas oo keeni karta saameyn kale oo aan la mahdin. The post Jubbaland oo ka carootay arrin ay ku kacday DF appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites