Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo u digtay shirkado iyo shaqsiyaad Soomaali iyo ajaanib ah oo ku hawlan…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag kasoo saartay shirkado iyo shaqsiyaad Soomaali iyo ajaanib oo si sharci darro ah ugu hawlan macdan qodis.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada macdan qodista sharci-darrada ah ee ka socda qaybo kamid ah dalka, iyadoo fartay dhammaan shakhsiyadda iyo hay’adaha ku lugta leh hawlahan ay si deg-deg ah u joojiyaan una hakiyaan dhammaan hawlahooda aan sharciyeysnayn.

“Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, iyadoo gudanaysa xilkeeda sharci, waxay il gaar ah ku haysaa hawlaha macdamaysiga sharci-darada ah oo ay ku hawlan yihiin shakhsiyad iyo shirkado isugu jira muwaadiniin iyo shisheeye,” ayaa lagu yifi war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in qaanuunka caalamiga ah iyo dastuurka federaalka Soomaaliya ay si cad u dhigayaan in maamulka, sahminta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah uu yahay awood ay leedahay owladda Federaalka oo keliya.

“Macdamaysiga Sharci-darrada ah kaliya ma aha xad-gudub liddi ku ah gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse, waa il dhaqaale sharci­darro ah laga sameeyo kaasoo loo adeegsado maalgellinta falal argagaxis oo halis ku ah amniga iyo nabadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci ee lagama maarmaanka u ah, iyadoo waafajinaysa shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, si loo ilaaliyo, loo dhowro, loona dhaqan-geliyo xuquuqdeeda ku saabsan khayraadka macdanta ee dalka.

Inkastoo wasaaraddu aysan xusin shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh hawlaha macdan qodista sharci-darrada, haddana waxay imaaneysa xilli bariga gobolka Sanaag oo ay maamusho Puntland ay yihiin meelaha ugu badan ee isha lagu hayo macdan qodista.

Hoggaanka maamulka ayaa horey u sheegay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo maalgashi ku sameynaysa sidii looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka macdanta ku jirta degaanadeeda, taas oo si adag uga soo horjeedo dowladda dhexe.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gudanaysa xilkeeda sharci, waxay il gaar ah ku haysaa hawlaha macdamaysiga sharci-darada ah oo ay ku hawlan yihiin shakhsiyad iyo shirkado isugu jira muwaadiniin iyo shisheeye.

Si waafaqsan maba’da qaanuunka caalamiga ah ee jiddaynaya gobannimada dalalku ku leeyihiin khayraadkooda dabiiciga ah, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Heshiiska lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhli­ga khayraadka macdanta iyo shuruucda kale ee dalka.

Wasaaraddu waxay ogaysiinaysaa cid kasta oo ku hawlan macdamaysiga sharci-darrada ah in oggolaanshaha sharci ee sahminta iyo soo saarista khayraadka macdanta ee geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u xilsaaraan tahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Macdamaysiga Sharcidarrada ah kaliya ma aha xadgudub liddi ku ah gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse, waa il dhaqaale sharci­darro ah laga sameeyo kaasoo loo adeegsado maalgellinta falal argagaxis oo halis ku ah amniga iyo nabadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika.

Sidaas darteed, Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu baaqaysaa dhammaan shakhsiyadda iyo hay’adaha ku lugta leh hawlaha macdan qodista sharci-darrada in ay si deg deg ah u joojiyaan una hakeeyaan dhammaan hawlahooda aan sharciyeysnayn.

Haddaan lagu hoggaansamin, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka sharci ee lagama maarmaanka u ah, iyadoo waafajinaysa shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, si loo ilaaliyo, loo dhowro, loona dhaqan geliyo xuquuqdeeda ku saabsan khayraadka macdanta ee dalka, oo ah hanti ay si wadajir ah u leeyihiin shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

The post DF oo u digtay shirkado iyo shaqsiyaad Soomaali iyo ajaanib ah oo ku hawlan… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this