Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasadda Soomaalida 1959 iyo 2025 wax badan ayay iskaga eg yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   
1000090435.jpg?resize=1000%2C1000&ssl=1

Garoowe (Faallo PP) — Soddon sano ka hor maanta Koonfurta Muqdisho waaa ka dhisnaa dowlad loo bixiyay Salballaar. Jeneraal Maamed Faara Caydiid ayaa sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaaliya. Baydhabo waxay mar kale gacanta u gashay ciidankkii SNA kaddib markii Hawlgalkii Rajo soo Celinta (Operation Restore Hope) uu dhammaaday 1995kii.

Ma ahayn taliskii kacaanka taariikhdiisii wixii Jeneraal Caydiid iyo “dowladdiisii” inay fahmaan isku hawlayeen. Waxay aad uga sheekaysanayeen taariikhdii dowladdii gobanimogaarsiista (loo yaqaanno daakhiliyada 1956-1960) iyo dowladihii  rayidka ahaa (1960-1969) ka hor inta aysan ciidammadu talada dalka afgambi ku qabsanin.

Ka sokow Muqdisho loollankii ugu adkaa ka socday ka hor 1960 wuxuu ka socday Baydhabo. Baydhabo waxaa ku awood-badnaa xisbigii ururkii Dhallinyarada ee SYL. Taariikhyahanka Maxamed Xaaji Mukhtaar wuxuu qoray in Hizb al-Dastur Mustaqil al-Somal (HDMS) (oo loo yaqaanno Xisbiya)  ahaa xisbiga mucaaradka ku ahaa SYL.

Jeneraal Cayiid iyo la-taliyayaashiisii waxay isa su’aalayeen sababta Qardho siyaasiyiin ka soo jeeda ay markii dambe awood siyaasadeed u yeesheen halka siyaasiyiintii  HSMS (Xisbiya) u awood-beeleen. Markii Muuse Boqor uu ku guuldarraystay inuu taageero beeleed u helo loollankii uu kula jiray Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise, waxaa soo degdegay burburkii siyaasiyiintii  badankood ka baxay xisbigii SYL. Kooxdaas waxay ku soo noqdeen SYL halka xisbigii HDMS (mar loo yiqiin Hizb Digil-Mirifle) uu ku sii adkaystay siyaasadihiisii federaal doonka ah uu kaga duwanaa SYL.

Ra’iisal Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa markii dambe ka hor istaagay Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Zoppo), oo ahaa siyaasi  HDM ka tirsanaa muddo dheer, inuu ka soo tartamo degmo ka mid ah gobolkii Jubbada Sare (Alta Jubba). Dhinacyadii awoodda siyaasadeed yeeshay intii dowladdii rayidka ahayd ay jirtay midnimada kaddib waxay garteen kala duwanaanshaha dowladdii daakhiliyada iyo dowlad Soomaali oo dhan ka dhexeysa markii Soomaaliya ay dal madaxbannaan noqotay 1 Luulyo 1960. Waxay doorbideen inay ay iska dhowraan ololeyn siyaasadeed oo beel gaar ah ku salaysan.

Dhowr iyo lixdan sano kaddib siyaasadda Soomaaliya maanta waxay dhinacyo badan uga eg tahay siyaasaddii socotay dhammaadkii kontomaadkii qarnigii 20aad. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka soo horjeda koox la magaxbaxday Isbahaysiga Samatabixinta oo xubnaheedu keliya isku raacsan yihiim sida ay uga soo horjeedaan Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud. Koonfur Galbeed, oo ah dhulka uu xisbigii HDM awoodda ku lahaa, waa caqabad weyn oo hortaagan Isbahaysiga Samatabixinta. Puntland siyaasad ahaan way kala jabtay: dhinac uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni, oo ka tirsan Isbahaysiga Samatabixita, iyo Mucaaradka Deni oo taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya.  Siyaasiyiinta maamulka Somaliland ku metela Muqdisho (Xildhibaannada iyo Senetarrada) waxay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ma cadda inay metelaad labada aqal yeelan doonaan inta weli maamulka Somaliland diiddan yahay qarannimada Soomaaliya, haddii doorasho dadban in dib loogu noqdo la isku raaco.

Puntland maamul ahaan ma mooga saamaynta taariikhdu ku leedahay waxa hadda Soomaaliya ka socda iyo sida siyaasiyiintu u fekerayaan. Ururkii SSDF, oo horseedka ka ahaa dagaal hubeysan oo lagaga soo horjeeday taliskii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, wuxuu burburay ka hor 1991. Kaalintiisii waxaa qaatay USC, SNM iyo SPM. Puntland oo keentay una qareentay hirgelinta hab federal ah waxaa Muqdisho kaga awood-batay maamulka Somailand oo hay’adaha federaalka ku leh xildhibaanno taageersan kala goynta Soomaaliya. Waxay kale oo goosasho-doonku ka faa’iideen ismaandhaafkii Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya dhex yiil/yaalla) ka hor dagaalkii Laascaaood ee 2023 oo wax  weyn ka beddelay siyaasadda Geeska Afrika.

Marka dib loo eego doorashadii  ugu dambaysay Soomaaliya ka dhacday ka hor 1970, colaadaha ugu badan waxay ka dheceen dhulka hadda maamulka Puntland uu xukumo, halka siyaasiyiin dhulka hadda Puntland loo yaqaanno ay si nabad ah xildhibaanno ugu soo noqdeen degmooyin ka mid ah Koonfurta Soomaaliya sababtoo ah xisbigii SYL ayaa astayn jiray qofka degmo ka soo galaya isagoo ka tirsan SYL. Dowladdii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke  iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim waxay soo saareen hab hal xisbi keliya uu degmo kaga tartamayo (lista unica). Wuxuu ahaa go’aan soo dedejiyay afgambigii dhacay 21kii Oktoobar 1969 kaddib markii Laascaanood lagu dilay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke 15kii Oktoobar 1969.

Welwelka ugu weyn haya maamulka Madaxweyne Deni waa sida Puntland iskaga  dhowri karto qaadashada go’aammo laab-la-kac ah oo sababi kara in mar seddexaad Puntland faraheeda oodkac lagu cuno. Siyaasaddii qunyar socodka, Soomaali jeceylka iyo midnimo dhowrista oo asaaska u noqotay dhisiddii Puntland wax ka wanaagsan lama hayo. Puntland hoggaankeedu labo jeer ayuu go’aammo aan wadatashi ku salaysnayn qaatay: 2012, markii Soomaaliya laga saarayay ku-meelgaarka, iyo 2021 markii Puntland qabatay shirkii sababay in isbeddel hoggaamineed ka dhacay Soomaaliya 2022kii.  Puntland way eedday labadaas isbeddel ay qaabayntooda kaalin weyn ku lahayd. 

© Puntland Post, 2025

The post Siyaasadda Soomaalida 1959 iyo 2025 wax badan ayay iskaga eg yihiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this