Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo joojinaya weerarradii maraakiibta Badda Cas

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in jabhadda Xuutiyiintu ay u muuqdaan kuwo si dadban u xaqiijiyey inay joojiyeen weerarradii ay ku qaadi jireen maraakiibta ganacsiga ee maraysay Badda Cas, xilli ay weli sii socato xabbad-joojintii uu Maraykanku fududeeyay ee Gaza.

Muddo ku dhow laba sano, Xuutiyiintu waxay wadeen olole badeed oo ay ku weerarayeen maraakiibta maraysa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Badda Cas, iyagoo sheeganaya inay ku difaacayaan shacabka Falastiin ee ay  duullaanka ku hayso Israa’iil.

Weerarradan ayaa sababay geerida sagaal shaqaale ah, halka afar markabna la xaqiijiyey inay ku degeen badda.

Mid ka mid ah maraakiibtaas, oo lagu magacaabo Magic Seas, kana diiwaangashan Liberia isla markaana ay lahaayeen ganacsato Giriig ah, ayaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo ku saabsan xilli uu degayay.

Si kastaba ha ahaatee, warqad aan taariikh lahayn oo dhowaan lagu faafiyey baraha internet-ka, laguna sheegay inay ka timid Yuusuf Xasan al-Madani, taliyaha guud ee ciidamada Xuutiyiinta, ayaa si dadban u muujisay in jabhaddu hakisay weerarradeeda badda cas

“Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda Gaza, waxaana caddeyneynaa in haddii cadowgu dib u bilaabo duullaankiisa, annaguna dib u bilaabi doonno hawlgalladeenna militari ee gudaha dhulka Yuhuudda haysato” ayaa lagu yiri warqadda.

Weerarrada Xuutiyiinta ee badda cas ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay ganacsiga caalamiga ah, maadaama ku dhowaad $1 tirilyan oo badeecooyin ahi sannad kasta ay mari jireen marin-badeedka Badda Cas ka hor  bilaabashadii dagaalka Qasa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this