Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadalladii Nabada ee Pakistan iyo Afgaanistaan oo si rasmi u burburay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadahadalladii Pakistan iyo Afgaanistaan ee lagu raadinayay heshiis rasmi ah ayaa si rasmi u burburay, saddex waji oo wada-hadallo ka dhacay Istanbul ayaa lagu kala kacay , sida ay maanta sheegeen saraakiil u hadashay labada dal.

Pakistan, waxay sheegtay in wadahadal kale uusan mar kale jiri doonin, iyagoo ku eedeyay Afgaanistaan inay diideen heshiis qoraal ah inay ku caddeeyaan joojinta weerarrada ay kooxaha hubaysan ka soo qaadayaan gudaha Afgaanistaan , kuwaasoo beegsanaya saldhigyada xadduudda ku yaalla ee ciidanka Pakistan, waxayna Afgaanistaan ku adkeysatay inay kaliya sameynayso ballanqaad afka ah, taa oo ay Pakistan ku gacan sayrtay.

Wasiirka difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa sheegay in wadahadalladii si buuxda u istaageen,wuxuuna intaa ku daray; “Haddii weerar laga soo qaado dhulka Afgaanistaan, waxaan uga jawaabi doonaa si adag, laakiin haddii aysan jirin gardarro, xabbad-joojin ayaa sii jiri doonta.”

Afgaanistaan ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay , waxaa lagu sheegay in aysan marna doonayn inay xumeeyaan xidhiidhka deriska, balse Pakistan ay tahay mid wadata xeelado lagu raadinayo cudurdaar, si dib loogu soo celiyo dagaalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this