Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo si buuxda dib ugu soo celisay maamulka madax-bannaanida hawadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u soo celisay maamulka madax-bannaanida hawadeeda qaran, taas oo dhaqan galaysa laga bilaabo 10-ka Nofeembar 2025.

Afhayeenku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X(Twitter), oo ay soo turjuntay wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu intaas ku daray in go’aankani uu xoojinayo madaxbannaanida qarannimada JSL ee dhinaca maamulka soohdimaheeda dhinaca hawada. Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu.

Intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u raacayso shuruucda caalamiga ah ee duulista rayidka ah iyo heerarka Caalamiga ah ee Duulista hawada ee u dejisan Hay’adda ICAO.

Afhayeen Deyr wuxuu tibaaxay in Dowladda Somaliland ay caddeysay in fiisayaasha ay bixiso Dowladda Soomaaliya aanay wax sharci ah ka ahayn dhulka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan u madax-bannaan Arrimaha socdaalka, xakamaynta xuduudaha, iyo maamulka hawada.

“Somaliland waxa ay ugu baaqday dhammaan bah-wadaagta caalamiga ah, shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalku in ay ixtiraamaan madax-bannaanideeda, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha duulista rayidka ah ee Somaliland, si loo sugo amniga iyo xasiloonida hagidda hawada,” ayuu Afhayeenka madaxweynuhu ku yidhi qoraalkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this