Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Shiinaha oo soo saartay Daawo cidhib-tiraysa xanuunka macaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shiinuhu waxa uu si rasmi ah ugu guuleystay in xanuunka macaanka laga sifeeyo dhiiga qofka markii ugu horeysay , iyada oo qofka lagu mudayo daawo tijaabadeed koowaad ka soo gudubtay .

Gabadh 25 jir ah , ayaa dhiigeeda laga saaray macaanka, gaar ahaan nooca loo yaqaan heerka labaad , kaasoo ay la noolayd muddo sanado ah.

Markii wargeyska Sourh China Morning Post oo uu daabacay sanadka hor helitaan daawada dabar jaraysa macaanka , waxa ay ahayd arrin loo qaadan waayay .

Laakiin daawada oo dawladda Shiinuhu ilaalisay xogteeda, ayaan la soo bandhigin, waxaana ay gacanta ku haya saynisyahanda oo weli wada tijaabooyinka , balse waxa sanadka dambe laga heli doonaa guud ahaan dalkaasi Cudurka macaanka waxa la nool 589 milyan qof oo kala jooga aduunka daafihiisa , halka sanadkii ay u dhintaan 3 milyan iyo 400,000 qof , sida lagu sheegay xog-uruurin la sameeyay sanadkii 2024

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this