Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf soo kala dhexgalay xisbiga JSP ee hoggaamiye Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
1000089696.jpg?resize=960%2C650&ssl=1

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si cad uga horyimid in uu Muungaab noqdo musharax xisbiga Wadajirka iyo Caddaaladda (JSP) ee duqa Muqdisho.

Guddoomiye hore Madaale oo shir jaraa’aid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ku dhawaaqista Muungaab ee murashaxa xisbiga ee xilka gudoomiyaha gobolka iyo duqa caasimadda ay ahayd mid sharci darro ah oo aysan u dhammeyn xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga JSP.

Madaale ayaa xusay in xisbiga JSP uu leeyahay xeer hoosaad iyo nidaam doorasho oo dhexdiisa ah, base taas la hareer maray oo sigaar ah loo xulay Mungaab.

“Waxaan la baxnay Caddaalad iyo Wadajir, waxaan dhahnay waxaan dalka ka saaraynaa doorashadii nin jeclaysiga, balse waxaa muuqata in caddaaladdii aan magaca ka dhiganay iyo doorashadiiba aan mugdi gelinay oo dad gaara la dhisayo, iyadoo aan xisbigu dooran” ayuu yiri Madaale.

Ku-xigeenka xoghayaha good ee xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa shalay meel fagaaro ah kaga dhawaaqay musharaxnimada Muungaab ee duqa Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Khilaaf soo kala dhexgalay xisbiga JSP ee hoggaamiye Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this