Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dhakhaatiirta howlgalka Calmiskaad oo shaqo joojin ku dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhakhaatiirka howlgalka Hillaac ee Calmiskaad ayaa ku dhaqaaqay in ay shaqo joojin sameeyeen, kaddib markii ay muddo waayeen xuquuqdii ay lahaayeen.

Warqad ka soo baxday dhakhaatiirta ayaa lagu yiri “waxaan halkan ku soo gubinaynaa in aan si ramsi ah u sameynay shaqo joojin, kaddib markii guddiga taakuleynta lunsadeen xuquuqdeenii muddo labo bil ah oo ka mid ah afar bilood oo naga maqan”.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in ay wax wada shaqeyn ah ka waayeen wasaaradda caafimaadka Puntland iyo talisyada ciidanka ee howlgalka Calmiskaad.

Dhakhaatiirta ayaa ka codsaday madaxweyne Deni in uu si dhakhso ah wax uga qabto arrintan, haddii kale ay si rasmi ah uga soo bixi doonaan Calmiskaad.

1000089740.jpg?resize=1000%2C1415&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland: Dhakhaatiirta howlgalka Calmiskaad oo shaqo joojin ku dhawaaqay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this