Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo booqday xarumo iyo warshado ku yaala Aljeeriya

Recommended Posts

Deeq A.   
1000089848.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay taallada Shuhadada dalka Aljeeriya oo lagu xasuusto halyeeyadii u nafwaayey halgankii xornimada iyo difaaca dalkaas, isagoo muujiyey taariikhda halgan-wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka mid ahaa dalalkii ka wada shaqeeyey xornimadii Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr maalmood ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kula kulmay culimada dalkaas oo guddoonsiiyey xasuus reeb ku aaddan booqashada nadaxweynaha, iyagoo la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan fikirka argagixisadu ay ku bannaysanayaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday warshadda daawooyinka dalka Aljeeriya iyo xarunta garaadka macmalka ah ayaa warbixino ku saabsan waxsoosaarka iyo adeegyada xarummahan waxa uu ka dhegeystay naamulka iyo agaasinkooda.

1000089842.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000089851.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000089853.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000089855.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000089856.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000089868.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000089865.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000089870.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000089871.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheekh oo booqday xarumo iyo warshado ku yaala Aljeeriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this