Deeq A. Posted Wednesday at 11:22 PM Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xalay madaxtooyada Garowe ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Cumaan, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaannada Puntland. Wafdiga oo uu hoggaaminayay maamulaha maxjarada Cumaan mudane Khalfaan, ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah ganacsato iyo maalgashadeyaal ka socda dalkaas ayaa Puntland u yimid furitaankii maxjarka cusub ee xanaanada xoolaha Puntland (Shaakir) oo talaadadii laga daahfuray magaalada Boosaaso. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa wafdiga ka socda dowladda Cumaan uga mahadceliyay booqashadooda, isagoo xusay in xiriirka qoto dheer ka dhaxeeya Puntland iyo Cumaan, wuxuuna la wadaagay in Puntland ay u diyaarsantahay maalgashi ayna soo dhoweynayso cidkasta oo maalgashi ugu timaada. Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah golaha xukuumadda Puntland oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda, wasiirka xannaanada xoolaha, wasiirka dekadaha & gaadiidka badda iyo wasiiru-dowlaha madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Garowe: Lugatoor oo la kulmay wafdi ka socda Cumaan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites