Deeq A. Posted yesterday at 07:50 AM Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib muddo saddex sano ah oo uu ku maqnaa dalka dibadiisa. Madaxweyne hore Farmaajo oo hadda ka yimid dalka Turkiga ayaa diiday in soo dhaweyn loogu sameeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo doorbiday in uu toos ugu laabto hoyga uu ka degan yahay caasimadda. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada soo socota ayaa lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka bilaabo kulamo siyaasadeed oo diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka oo muran ka taagan yahay. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa diidan doorashada ay hadda ku howlan tahay dowladda federaalka iyo wax ka baddelka dasruurka, isagoo tallaabooyinkaas marar badan ku dhaliilay dowladda uu hoggaamiye madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo saddex sano kaddib ku soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites