Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay yihiin qodobada looga hadlay shirka golaha wasiirrada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000089952.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga warbaahinta iyo dhaqanka ee labada dal.

Shirka golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaa looga dhageystay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Warbixinnadaas ayaa lagu soo bandhigay horumar laga sameeyay sugidda amniga Muqdisho iyo qorshe la sheegay in lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolka Banaadir oo dowladdu ku howlan tahay in ay dhawaan qabato.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo xukuumaddu ay fartay hay’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.

PUNTLAND POST

The post Maxay yihiin qodobada looga hadlay shirka golaha wasiirrada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this