Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay warar laga qoray degmada Eyl

Recommended Posts

Deeq A.   
1000090252.jpg?resize=1000%2C1000&ssl=1

Guddoomiyaha degmo dalxiiseedka Eyl ee gobolka Nugaal, Faysal khaliif Waceys ayaa beeniyay warar laga qoray degmadaas oo la xiriira falal burcad-badeednimo.

Guddoomiye Faysal ayaa tilmaamay in  warbaahino dibada ah iyo kuwa maxali ah ay baahiyeen warar aan sal iyo raad lahayn oo lagu sheegay in weeraro burcad-badeednimo ka dhaceen xeebahaha hoos yimaada degmada Eyl.

Guddoomiyaha ayaa xusay in kiiskii ugu dambeeyay ee koox burcad-badeed Soomaali ah ku wareertay markabka Hellas Aphrodite ee ku gooshayay calanka Malta uusan ka dhicin degmada Eyl iyo nawaaxigeeda, taasna ay cid walba ogtahay.

Wuxuu tilmaamay in ammaanka degmada Eyl iyo deegaannada hoos taga yahay mid sugan oo aysan macquul ahayn in falal burcad-badeednimo laga abaabulo deegaanka, isagoo intaas ku daray in dalxiisayaal ajaanib iyo Soomaali ah ay maalin walba yimaadaan degmada, kuwaas oo si nabada ah ugu damaashaada.

Hoos ka daawa hadalka guddoomiya Eyl

PUNTLAND POST

The post Puntland oo beenisay warar laga qoray degmada Eyl appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this