Sign in to follow this  
Deeq A.

EVisa waa iblayskii Dijaal Cawar horaantiisìi

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250223-WA00021-214x300.jpg

E. VISA WAA IBLEYSKII DIJAAL CAWAR HORRAANTIISII.

Dawladda xalane ee uu xasan shiikh madaxda ka yahay tay keentaaba tii kale ka daran madaxdeeda waxa haya iskubuuq siyaasadeed oo dhibaato weyn iyo naxdin ku haya dadka reer muqdisho ee uu saaranyay culayska caalamiga ahi ciidamada shisheeye.

Hoggaanka damiirka lehi wuxuu ka fekeraa oo naf iyo maalbba u huraa inuu dhibaatada haysata ka saaro ummaddiisa Kuwan xalane lagu ilaaliyaa dhibaatadii jirtay ayay hadbba mid kale ku sii darayaan shaqadoodii waxay noqotay dagaal aan dhammaad lahayn iyo weerarro ay ku beegsanayaan soomaalidii kale.

Waxay ahayd inuu mushkiladda gudihiisa taalla uu xallilo oo ku xigsiiyo maamulada soomaaliya ee ay dantu is baday manuu garan.

Ta ugu daran ee caalamkii ka yaabisay waa xaalad abuurka iyo buuqan E. visa Somaliland oo ah dal xora oo caalamku yaqaan ayuu e. Visa u
adeegsaday (shame)waxa ka daran puntland oo aanay xidhiidh lahayn ayuu evisa u cuskaday qosol.

Kelitalisnimadu waa nooc waallida ka mid ah oo loo baahanyay in miyirqabka loo adeegsado.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this