Sign in to follow this  
Deeq A.

Xannuun dilaa ah oo ka dilaacay Itoobiya iyo Soomaalida oo looga digay

Recommended Posts

Deeq A.   

a09e6e20-c066-11f0-ae46-bd64331f0fd4.jpg

Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in magaalada Jinka oo ku taalla koonfurta dalkaasi uu ka dillaacay cudur aan weli si buuxda loo xaqiijin waxa sababa, balse loo malaynayo in uu yahay cudur ka tirsan habda fayraska ee sababa xummadda dhiig-baxa keenta (Haemorrhagic Fever).

Wasaaraddu oo bayaan ka soo saartay xaaladda caafimaad ee hadda jirta ayaa ugu baaqday bulshada in ay si dhow ula socdaan calaamadaha cudurka, ayna qaataan taxaddar lagama maarmaan ah. Waxa kale oo ay dadka ku boorrisay in haddii ay isku arkaan calaamado u eeg cudurkaas ay si degdeg ah ula xidhiidhaan xarunta caafimaadka ee ugu dhow si daawo loogu helo.

Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda goobaha cudurka lagu arkay, waxayna xaqiijisay in ilaa hadda siddeed qof lagu ogaaday calaamadaha cudurkaas.

Ma loo dhiman karaa cudurkan?

Dr. Mokonnin Biruuk oo ah dhakhtar guud islamarkaana bare ka ah isbitaalka guud ee Jaamacadda Salaale ayaa sheegay in cudurka laga shakisan yahay in uu ka dillaacay magaalada Jiinka aanu ahayn cudur keli ah balse uu yahay koox cudurro fayras ah.

“Qandhadan dhiigbaxa ahi (Haemorrhagic Fever) waxay ka kooban tahay cudurro kala duwan, kuwaasi oo ka dhasah afar nooc oo fayrasyo ah. Waddankeennana cudurro la mid ah ayaa marar kala duwan hore uga dhacay,” ayuu yidhi.

“Cuduradani waxay ka mid yihiin kuwa laga qaado xayawanka ama duurjoogta, waana inta badan laga helaa meelaha cimiladoodu kulul tahay ama u dhow lamadegaanka. Cudurradani waxay dilaan ilaa 90% marka dadka ay ku dhacaan qodka,” ayuu raaciyey.

Fayrasyada sababi kara cudurkan la tuhunsan yahay waxaa ka mid ah Marburg Virus, Ebola Virus, Yellow Fever, iyo Lassa Fever.

Maxay yihiin calaamadaha lagu garto?

Sida uu sheegay Dr. Mokonnin qofka uu ku dhaco cudurkan ay sababaan kooxaha fayrasyada ahi waxa ka muuqan kara calaamado dhowr ah.

Calaamadaha cudurkan waxa ka mid ah dhiig-bax ah. Wuxuu sababi karaa dhiig ka imaanaya sanka, afka iyo maqaarka.

Sidoo kale waxa lagu arki karaa qandho daran, tabar-darro jidhka ah, dhiig-bax gudaha ah iyo xanuun guud oo jidhka ah,” ayuu yidhi.

Wuxuuna intaas ku daray in cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca uu sababi karo in bukaanku miyir beelo ama dhulka ku dhaco.

Sidee ayuu u faafaa?

Cudurkan wuxuu badanaa ka gudbaa xayawaanka una gudbaa dadka. Gaar ahaan, kaneecada, doofaarka iyo cayayaanka wax qaniina, kuwaas loo arko inay awoodaan in ay cudurkan faafiyaan, sida uu sheegay Dr. Mokonnin.

“Taabashada kaneecada, joogitaanka meelaha dadku isugu yimaadaan, doofaarka iyo cayayaanka wax qaniina ayaa dhammaantood gudbin kara cudurkan. Waxaa suuragal ah in uu ka gudbo xayawaanka una gudbo dadka, si la mid ah ayaa dadkuna xayawaanka ugu gudbin karaan ka,” ayuu yidhi.

Wuxuu xusay in meelaha lamadegaanka ah ay cayayaanka wax qaniinaa ku badan yihiin taas oo kor u qaadaysa fursadda uu cudurkani ku faafi karo.

Digniin ka soo baxday dawlad Deegaanka Soomaalida

Wasiirka Caafimaadka ee deegaanka Soomaalida ayaa war-qoraal ah oo u baahiyay bartiisa bulshada waxa uu dadweynaha ugu baaqay in ay ka digtoonaad cudurkan.

“Dhamaan shacabwaynaha deegaanaka Soomaalidu waa in ay ka taxaddaraan halista xanuunka hemorrhgic fever ( qando-goror) oo lagu arkay ilaa sideed bukaan oo ku nool deegaanka koonfurta Itoobiya, waxaana la wadaa baahitaanno lagu xaqiijinayo,” ayaa uu yidhi Muuse Axamed, wasiirka caafimaadka ee dawladda deegaanka Soomaalida.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “waxaa looga hortagi karaa in nadaafadda gacmaha la ilaaliyo, gacan-qaadka la yareeyo ama la isticmaalo qalabka wax lagu nadiifiyo.”

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this