Deeq A. Posted 21 hours ago WAR-SAXAAFADEED Guddida Nabadda Qaranka JSL oo Kulan xog-waraysi ah la yeeshay masuuliyiinta xukuumadda ku matala gobollada Bari( Sool Iyo Sanaag) Hargeysa – [13 / Nov / 2025 ] – Guddida Nabadda ayaa maanta kulan xog-waraysi ah la yeeshay masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee gobollada bari, gaar ahaan Sool iyo Sanaag. Ujeeddada kulanka ayaa lagu falanqeeyo xaaladda nabad-gelyada iyo abaaraha ka jira gobolladaas, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dawladda iyo bulshada deegaanka si loo adkeeyo nabadda iyo gurmadka bini’aadantinimo. Guddidu waxay sheegtay inay sii wadi doonto wada-shaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo kuwa bulshada si loo xaqiijiyo xasillooni iyo horumar waara. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites