Deeq A. Posted yesterday at 12:00 PM Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa waxaa lga helayaa dagaal culus oo saaka ka qarxay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo isku haya halkaasi. Dagaalkan ayaa daba socday ninkii shalay lagu gubay tuulada Dadumaay, kaas oo dhaliyay caro xoogan, maadaama si ka baxsan bani’aadanimada loola dhaqmay marxuumka. Mid kamid ah deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka maanta ay soo qaadeen maleeshiyaad ku hayb ah ninkii shalay la gubay, isla markaana ay soo weerareen tuulada ay ku sugnaayeen dadkii gubay, halkaasna uu ka dhacay dagaal la’isku fara saaray. “Dagaalka saaka dhacay wuxuu salka ku hayaa ninkii shalay la jir-dilay ee haddana la gubay dadkiisa ayaaa weerar soo qaaday saaka waxayna kusoo qaadeen tuulada Dadumaay, gaar ahaan dadkii dhibaatada gaystay” ayuu yiri qof kamida dadka deegaanka. Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa dhacay fal kale oo argagax leh, kadib markii lagu dilay qoys ka kooban Aabe, hooyo iyo lix carruur ah oo ay dhaleen. Guriga ay daganaayeen qoyska ayaa waxaa ku dhacay qoray Baasuuke ah, kaas oo gebi ahaan basbeelay, sida uu sheegay goobjooguhu. “Waxaa isoo gaaray in guri uu baasuuke ku dhacay oo hal famil ku baaba’een sida hooyo, ninkeeda iyo 6 carruur ah oo ay dhashay, xoolihiina meesha ayay ku baaba’een” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale waxaa la gubay illaa saddex guri oo ay daganaayeen dad rayid ah, taas oo uga sii dareysa xaaladda murugsan ee ka taagan aagga degmada Wanlaweyn. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa labaduna siyaabo kala duwan uga hadlay colaaddan, maadaama ay arrintu faraha ka baxda, waxaana dhinaca kale socdo howlgallo lagu doonayo in lagu soo qabto dambiileyaasha, si loo horgeeyo cadaaladda. The post Dhacdo kale oo argagax leh oo ka dhacday Wanlaweyn appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites