Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Amiirka oo u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray howl-galkii…

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab.jpg?fit=1894%2C961&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Shariif oo loo yaqaanay Amiir, kana mid ahaa xubnaha muhiimka ah ee kooxda Al-Shabaab uu u dhintay dhaawacyo culus oo kasoo gaaray howl-gal ka dhacay gobolka Baay.

Howl-galkan oo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay tuulada Waro Mintaaniya, oo 14 KM Koonfur-bari kaga beegan deegaanka Burjeet ee gobolka Baay.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in howl-galkan sidoo lagu dilay xubin kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo Yaxye (Abuu Khaalid), oo ka mid ahaa abaabulayaasha weerarrada argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo si joogto ah uga shaqeynaya xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale waxay mar kale ku celisay “in aysan jirin meel gabaad u noqon doonta kooxaha argagixisada iyo haraadigooda, iyadoo howl-galada lagu xasillinayo dalka oo dhan la sii dardargelin doono ilaa laga ciribtiro cadowga ummadda Soomaaliyeed.”

Howl-galkan ayaa daba socday mid kale oo xalay ka dhacay tuulada Abal, oo qiyaastii 21 KM uga beegan koofurta magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howl-galkaas ayaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed Nuur (Goofoow), sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Horjoogahan ayaa ahaa Amiirka Xisbada Saldhigga Tuulada Abal, wuxuuna ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarradii argagixisada ee lagu dhibaateyn jiray shacabka gobolka Bakool.

Intii uu howl-galka socday, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen hub iyo dukumeentiyo muujinaya qorshayaal lagu maleegayay falal amni-darro ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

The post Shariif Amiirka oo u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray howl-galkii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this