Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo hirgelinaysa nidaam kasii adag e-Visa + Shaqada uu qabanayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Garoonka-Muqdisho-Aadan-Cadde-Airport--s

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelinaysa nidaam cusub oo si buuxda u xakameyn doona socdaalka rakaabka ka duulaya ama u socda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dowladda Federaalka ayaa haatan qorsheyneysa dhaqan-gelinta nidaamkan cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA), kaasi oo si buuxda u xakamayn doona socdaalka dhammaan garoomada caalamiga ah ee Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Boosaaso iyo kuwa kale ee dalka.

Sida uu qorshuhu yahay, nidaamkan cusub ayaa bilaaban doona 27-ka November 2025, haddii uusan dib u dhac ku iman. Nidaamkan ayaa si toos ah ugu xirnaan doona nidaamka duulimaadyada shirkadaha diyaaradaha iyo nidaamka xog isdhaafsiga rakaabka (API/PNR).

Marka nidaamkan la hawlgeliyo, waxaa waajib noqon doonta in rakaab kasta oo ku socda garoomada dalka uu oggolaansho ka helo nidaamka ETA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

ETA-da ayaa siinaysa Dowladda Federaalka awood ballaaran oo la xiriirta socdaalka, oo ay ka mid yihiin: magaca rakaabka, taariikhda dhalashada, faahfaahinta baasaboorka, taariikhda safarka iyo fiisayaasha hore, iyo sidoo kale faahfaahinta tigidhka iyo goobta uu ku socdo rakaabku.

Nidaamkan ayaa sida muuqata ka sii adag midka haatan ay ka cabanayaan maamullada qaar ee e-Visa-ha, kaasi oo qasab ka dhigaya in qofka wata baasaboorka shisheeye ee ka degaya garoomada dalka, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, uu jarto fiisahaas ka hor socdaalkiisa.

Arrintan ayaa si toos ah u saameyn doonta shirkadaha duulimaadyada sida FlyDubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo aan awoodi doonin inay bixiyaan “boarding pass” ilaa oggolaansho laga helo nidaamka cusub ee Dowladda Federaalka dhawaan dhaqan-gelin doonto.

Dowladdu waxay si dhameystiran ula socon doontaa xogta rakaabka ay diyaaraduhu usoo qaadaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale hay’adda socdaalka u oggolaan doonta in qofka ay doonto laga reebo diyaaradaha.

Si kastaba, qorshaha hirgelinta nidaamkan cusub ayaa u muuqda mid amni iyo siyaasadba leh, oo Dowladda Soomaaliya ku xoojinayso awoodda ay ku maamuleyso hawadeeda iyo nidaamka socdaalka dalka, taas oo si toos ah u taaban karta cid kasta oo ka hor timaadda.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli maamullada Somaliland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa. Maamulka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray in hawadeeda aysan soo geli karin diyaarad aan fasax ka haysan, iyadoo wasaaradda duulistu soo bandhigtay nidaam cusub iyo shuruudo looga baahan yahay diyaaradaha kala duwan.

Wasaaradda ayaa digniin ka bixisay in duulimaad kasta oo ogolaansho la’aan gala hawada Somaliland uu noqonayo mid jabinaya qaranimada Somaliland, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada.

Habraaca Somaliland shaacisay ayuu maamulka uga hortagayay go’aanno dhawaan kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo iyadu shirkadaha diyaaradaha ugu goodisey in ay mamnuucayso, haddii ay soo qaadan rakaab aan sidan dal-ku-gal elektaroonig ah (e-Visa), kaasi oo looga baahan yahay rakaabka u safraya Soomaaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland.

Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaa maalmo ka hor dhankiisa ku dhawaaqday in dal-ku-galka (Visa) ay bixinayso Wasaaradda Amniga ee Puntland, taas oo si toos ah uga hor imaneysa amarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa).

Horey Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddelka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa caqabad hor leh ku noqonaya shirkadaha diyaaradaha oo ayagu wajahay awaamiir is-khilaafsan oo uga imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada ay is-hayaan ee Puntland iyo Somaliland, oo aydi ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

The post Xog: DF oo hirgelinaysa nidaam kasii adag e-Visa + Shaqada uu qabanayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this