Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu maamulka G/Banaadir ka yiri eedeynta ‘qasabka’ ee guddiga doorashooyinka?

Recommended Posts

Deeq A.   
Muungaab-scaled.webp?fit=2560%2C1811&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, taas oo la xiriirtay in shaqaalaha gobolka lagu qasbayo inay ku biiraan ururro siyaasadeed.

“Maamulka gobolka Banaadir waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo guddiga doorashooyinka u caddeynayaa in uusan wax lug ah ku lahayn eedeymaha ku saabsan in shaqaalaha gobolka lagu qasbayo inay iska diiwaan-geliyaan ururro siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka.

Maamulka ayaa caddeeyay inuu aqoonsan yahay muhiimadda weyn ee ay qaranka u leedahay hirgelinta dimuqraadiyadda, nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinka qof iyo codka ah, kuwaas oo dhammaantood tixgelin siinaya xorriyadda iyo doonista madax-bannaan ee uu muwaaddinka.

“Maamulka gobolka waxa uu qaatay kaalín ku kooban dhiirrigelinta ololaha wacyigelinta dadweynaha ee isdiiwaangelinta codbixiyaasha, waana waajib qaran oo aan ku garab-siinaynay guddiga doorashooyinka,” ayaa sidoo kale lagi yiri war-saxaafadeedka.

Maamulka ayaa guddiga usoo jeediyay inuu ka dhawrsado eedeymaha aan sal iyo raad toona laheyn, isla markaana eedeymaha noocan ah loo maro hannaan sharci ah, si xaqiiqda loo ogaado ka hor inta aan warbaahinta la marin.

“Annaga oo ixtiraam iyo qaddarin weyn u hayna Guddiga, waxaan soo-jeedinaynaa in eedeymaha noocan ah loo maro hannaan sharci ah, waxna laga weydiiyo dhinaca ay khusayso ka hor inta aanan bulshada lala wadaagin.”

War-saxaafadeedka maamulka gobolka Banaadir ayaa imanaya xilli uu maanta Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka uu sheegay in guddiga ay soo gaartay fariimo sheegaya in shaqaalaha gobolka lagu qasbayo in ay kamid noqdaan ururada diiwaan-gashan, taas oo uu ula jeedo xisbiga tallada haya ee JSP.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintani ay tahay sharci-darro, isla markaana aan la aqbali karin in shaqaale dowladeed lagu qasbo inay ka mid noqdaan ururo siyaasadeed. Maamulka gobolka Banaadir ayaa caawa si buuxda u beeniyay eedeyntaan.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha u caddeynayaa in uusan wax lug ah ku lahayn eedeymaha ku saabsan in shaqaalaha Gobolka Banaadir lagu qasbayo inay iska diiwaangeliyaan Ururro Siyaasadeed.

Maamulka waxa uu aqoonsan yahay muhiimadda weyn ee ay Qaranka u leedahay hirgelinta Dimuqraadiyadda, Nidaamka Xisbiyada badan iyo Doorashooyinka Qof iyo Codka ah oo dhammaantood tixgelin siinaya xorriyadda iyo doonista madax-bannaan ee uu muwaaddinku ugu biirayo ama ugu codeynayo cidda uu siyaasaddeeda ku qanco.

Maadaama ay hirgelinta Doorasho Xor iyo Xalaal ah tahay himilo ay shacabka Soomaaliyeed muddo dheer u hanqal-taagayeen, Maamulka G/Banaadir waxa uu qaatay kaalín ku kooban dhiirrigelinta ololaha wacyigelinta dadweynaha ee isdiiwaangelinta codbixiyaasha, waana waajib qaran oo aan ku garab-siinaynay GMDQ.

Annaga oo ixtiraam iyo qaddarin weyn u hayna Guddiga, waxaan soo-jeedinaynaa in eedeymaha noocan ah loo maro hannaan sharci ah, waxna laga weydiiyo dhinaca ay khusayso ka hor inta aanan bulshada lala wadaagin.

Maamulka G/Banaadir waxa uu bogaadinayaa wada shaqaynta ku dhisan sharciga ee kala dhexaysa Guddiga Doorashooyinka, waxa uuna sii balanqaadayaa in uu ka maamul ahaan guto dhinaciisii wixii waajib wada shaqayn iyo iskaashi ah ee uu la leeyahay Guddiga Doorashooyinka.

The post Muxuu maamulka G/Banaadir ka yiri eedeynta ‘qasabka’ ee guddiga doorashooyinka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this