Sign in to follow this  
Deeq A.

MUUNGAAB oo qaaday tallaabo la xiriirta maqaamka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muunka.webp?fit=1620%2C946&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo ka dhacay xarunta degmada Waabari ayaa ka hadlay arrimo la xiriira maqaamka caasimada oo weli ay ka taagan tahay dood xooggan, maadaama la galayo doorashooyin guud.

Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay doonayaan in Muqdisho ay noqoto caasimad dowlad-goboleed, ayna hesho metalaad lamid ah maamul-goboleedyada.

“Shacabka iyo maamulkooda wuxuu doonayaa Muqdisho inay noqoto caasimada dowlad-goboleed ah, dowladda dhexe-na xarun u ah, dowlad-goboleed madax bannaana ah” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa farriin u diray shacabka caasimada, si ay u helaan metalaadooda,wuxuuna ugu baaqay inay ka qaybgalaan doorashooyinka dhacaya.

“Shacabka Muqdisho maanta fursad taariikhi ah ayaan haysanaa fursaddaas yaanan iska dayicin Muqdisho inay maqaam yeelato haddii aan rabno dariiqii loo mari lahaa waa kan, waana in ay yeelato maamul shacabkeeda uu doorto” ayuu mar kale yiri duqa Muqdisho.

Dhanka kale, waxa uu dalab culus u diray xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo ka codsaday inay ka shaqeeyaan maqaamka caasimada iyo inay xubno ku yeelato Golaha Aqalka Sare.

“Xildhibaannada sharafta leh anoo ku hadlaayo afka shacabka caasimada baaqa aan halkan uga jeedinaayo waxay tahay waxaan dooneynaa Muqdisho oo ah caasimad dowlad-goboleed ah, Aqalka Sare-na metalaad ku leh, haddii uu Ilaah yiraahdo” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Muqdisho reer gaar ah uma asteysano waa xaruntii waddanka wax kasta oo maqaam iyo macno ay heshana sida hadda kursi Soomaaliyeed ay u tahay ayay Soomaali Maxamed oo dhan ka dhex muuqa doontaa”.


The post MUUNGAAB oo qaaday tallaabo la xiriirta maqaamka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this