Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay xeerka uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000086485.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta oo talaado ah ansixiyay hindise sharciyeed cusub oo loo sameeyay bangiga dowladda iyo hay’adda maaliyadda.

Xeerkan ayaa waxaa u codeeyay in la meel mariyo oo haa ku ogolaatay 30 xildhibaan, waxaa sidoo kale xeerkan meel marintiisa diiday 2 xildhibaan halka ay ka aamuseen 6 mudane.

Xeerka bangiga dowladda iyo hay’adda maaliyadda ayaa maalmihii la soo dhaafay lagaga doodayay golaha, waxaana jiray xildhibaano badan oo ka horyimid xeerkan, kuna tilmaamay mid gangiyada gaarka loo leeyahay dhib ku ah, awood badana siinaya dowladda.

Sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa maanta loo qaybiyay wax ka baddelka xeerka xabsiyada Puntland, si ay ugu sameeyaan akhrin, si waafaqan xeer-hoosaadka golaha.

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay xeerka uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this