Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaamac Shabeel oo ka degay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
1000086716-1.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Siyaasi Jaamac Shabeel oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta ka degay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Siyaasi Shabeel oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa saaka halkaas ka soo raacay diyaarad qaad siday, wuxuuna ka soo degtay gegeda diyaaradaha Laascaanood, halkaas oo soo dhaweyn kooban loogu sameeyay.

Jaamac Shabeel ayaa dhawaan sheegay in uu tegayo magaalada Laascaanood, si buu yiri loo siidaayo maxaabiista ciidamada Somaliland ee halkaas ku xiran.

Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa aad u taageeray qadiyadda Laascaanood, xilligii uu maamulka Somaliland duqeynta ka gaysanayay magaaladaas.

PUNTLAND POST

The post Jaamac Shabeel oo ka degay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this