Deeq A. Posted 17 hours ago Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lixdii bilood ee u dambeeyay ay dalka ka dhaceen 220 duqeymood oo lagu dilay 868 xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Al-shaab iyo Daacish. Dowladda Soomaaliya waxay xustay in duqeymahaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Jubbada Hoose, Mudug, Sanaag iyo Bari xubnaha lagu dilay ay ku jireen 52 hoggaamiye. โLixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa la gaystay 220 duqeymood, kuwaas oo laga qaystay Jubbada Hoose, bariga Mudug iyo buuraha Sanaag & Bariโ ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo maanta hortagay Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Wuxuu intaas ku daray โwaxaa lagu dilay 868 xubnood oo kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo ay ku jireen 52 hoggaamiyeโ. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in duqeymaha sanadkan dhacay iyo tirada lagu dilay ay ka badan yihiin kuwii labada sano ee la soo dhacay. Hoos ka daawo muuqaalka Fiqi PUNTLAND POST The post Xogta duqeymihii Soomaaliya ka dhacay 2025 appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites