Deeq A. Posted 8 hours ago Natiijada doorashadii duqa magaalada Minneapolis ayaa lagu dhawaaqay, waxaana ku guuleystay Jacob Frey. Frey ayaa ku guuleystay tirinta cododka doorashadii labaad iyo saddexaad, isagoo helay in ka badan 50%, halka Cumar Faatax uu helay 44.4%. Frey oo 44 sano jir ah ayaa markii saddexaad ku guuleysatay duqa Minneapolis. Cumar Faatax oo ka hadlay natiijada doorashada ayaa yiri “inkastoo tani aysan ahayn natiijadii aan rabnay, waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa qof kasta oo taageeray ololahayga”. PUNTLAND POST The post Yaa ku guuleystay doorashadii duqa Minneapolis? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites