Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaranka uu Xasan Shiikh ina Geele biladda uga siday ma xalanaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

QARANKA UU XASAN SHIIKH GEELLE BILLADDA UGA SIDAY MA XALANAA.

IMG-20250225-WA0015-242x300.jpg

Waxa magaalada jabuuti jooga xasan shiikh waxyaalaha cajiibka ah ee shantii somaalidu la yaabtay waxa ka mida kaambaynka doorashooyinkooda oo ay billadaas madaxbuuxiska ah ku bilaabeen iyo xuska carta, waxa is weydiin leh carta maxaa ka soo baxay ee 25 sano ka dib la xusayaa jawaabtu dadkay u taalla.

Sidii uu waqtigii ismaaciil cumar geelle ee doorashadu u soo dhawaadayba marbba meel ayaa laysku qaadayaa waxaynu ogayn xaalad abuurkii xeerka ciise ee seylac horta jabuuti doorasho xor iyo xalaal ahi horena ugamay dhicin intuu geelle joogona ka dhicimayso, jabuutina waa guri uu geelle leeyahay,ismaaciil Kursiga jabuuti wuu ku gaboobay madaxdii afrika ee ay isku cimriga ahaayeen isagaa ka nool wuxuu ku sugayaa mawdka, dadka reer jabuuti ma laha awood ay mucaaridad xoog ah ku samaystaan oo aqoonyankoodii waxna waxay ku jiraan jeelka gabbood waxna wuu laayay qaarna debedday wareegayaan.

Waxa yaab leh keligii taliyuhu ma xishoodo xasan shiikh wax uu ku sheegay billad qaran ayuu qoorta u geliyay geelle, horta qaranku ma xalanaa waayo xasan wuxuu ka taliyaa xalane oo lagu ilaaliyo halkaas oo uu ka fuliyo waajibaad dawlado shisheeye ay leeyihiin, maanta waxay ahayd inay murugoodaan oo ay fawaaxishka xamar ka socda ka naxaan iyagoo ilaahay la kaashanaya Waayo waxa ka socda xamar (xalane) bahdilaaddii soomaaliya.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this