Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida Mareykanka oo dedaal xooggan ugu jirta qabashada xilka duqa magaalada Minneapolis

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa ku sii xoogeysanaysa ka qayb-galka siyaasadda gudaha ee dalkaas, iyadoo dhalinyaro Soomaaliyeed ay hadda u tartamayaan xilal muhiim ah, oo ay ka mid tahay duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Dhallinyaradaas waxaa ka mid ah Omar Fateh oo 35 jir Soomaali-Mareykan ah, kaas oo tartan adag la geli doona duqa haatan talada haya oo ah nin caddaana oo lagu magacaabo Jacob Frey.

Warbixin uu daabacay Axios Twin Cities ayaa lagu sheegay in doorashada magaalada Minneapolis ay sanadkan noqon doonto mid adag, iyadoo musharrixiinta duqa magaalada ay ka mid yihiin Senator Omar Fateh, oo asal ahaan Soomaali ah.

Omar Fateh, oo horey u soo noqday senatar ka tirsan baarlamaanka gobolka Minnesota, ayaa hadda u taagan duqa magaalada Minneapolis, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee si xooggan uga dhex muuqda siyaasadda Mareykanka.

Doorashada guud ee magaalada Minneapolis ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 4ta Nofeembar 2025 oo caawo ku beegan, balse cod-bixinta hore ayaa si rasmi ah u bilaabatay 19-kii Sebteembar, taasoo u sahlaysa shacabka Minnesota in ay xilli hore codkooda dhiibtaan.

Magaalada Minneapolis ayaa horey ugu caan baxday ka qayb-galka bulshada Soomaaliyeed ee siyaasadda Mareykanka, waxaana dhowr jeer la arkay Soomaali ku guuleysatay xildhibaanno, xubno gole deegaan iyo xilal dowladeed.

U tartamidda Omar Fateh ee duqa magaalada ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku mooli ay dhab ahaan u qaateen dhaqanka dimoqraadiyadda Mareykanka.

Sida lagu sheegay warbixinta Axios, musharrixiinta kale ee la tartamaya duqa hadda joogta Jacob Frey waxaa ka mid ah DeWayne Davis iyo Jazz Hampton, kuwaasoo dhamaantood ku jira ol’oleyaal xooggan oo lagu kala jiidayo codbixiyaasha magaalada oo dhan.

Dhanka kale, dhammaan 13-ka kursi ee Golaha Magaalada Minneapolis ayaa sanadkan ku jira tartan cusub, taasoo ka dhigaysa doorashada mid si weyn u saamayn karta jihada maamulka magaalada mustaqbalka dhow.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this