Sign in to follow this  
Deeq A.

JARMALKA oo go’aan lama filaan ah ka gaaray Soomaaligii fuliyey weerarkii Würzburg

Recommended Posts

Deeq A.   
Abdirahman-Jibril-A--scaled.webp?fit=256

Munich (Caasimada Online) — Xeer-ilaaliyeyaasha Jarmalka ayaa hor istaagay tarxiilidda ninkii weerarka ka geystay magaalada Würzburg ee loo celin lahaa Soomaaliya, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Ninkan, oo saddex qof ku dilay weerar ba’an oo middi loo adeegsaday sannadkii 2021, ayaa ku sii jiri doona daryeel caafimaadka dhimirka ah muddo aan la cayimin, iyadoo laga cabsi qabo inuu Jarmalka dib ugu soo laabto.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Munich ayaa ku dhawaaqay in sii deynta ninkan, Cabdiraxmaan Jibriil, si loo tarxiilo aysan suurtagal ahayn “si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha guud.”

Warbixin ay khubaro diyaariyeen ayaa lagu ogaaday inay jirto “khatar sare oo ah inuu dib ugu soo laabto Jarmalka” haddii la tarxiilo. Xeer-ilaalintu waxay intaa ku dartay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay u badan tahay inay sii deyn doonaan, taasoo abuuraysa halis ah “fal-dambiyeedyo kale oo culus.”

Weerarkii Würzburg wuxuu dhacay 25-kii Juun, 2021. Cabdiraxmaan Jibriil wuxuu middi weyn ka soo qaatay dukaan weyn oo qaybo badan leh, waxa uuna dilay saddex haween ah (oo da’doodu kala ahayd 24, 49, iyo 82 jir), waxa uuna dhaawacay sagaal qof oo kale.

Bishii Luulyo 2022, maxkamad ayaa go’aamisay inuusan dambi ahaan mas’uul ka ahayn kaddib markii laga helay cudurka ‘paranoid schizophrenia’, waxayna amartay in si aan xad lahayn lagu hayo xarun caafimaadka dhimirka ah, sida ku cad diiwaannada maxkamadda.

‘Weli waa khatar’

Wuxuu ku sii jiri doonaa qaybta caafimaadka dhimirka ee maxkamaddu amartay oo ku taal isbitaal ku yaal Lohr, oo u dhow Würzburg. Xafiiska xeer-ilaalinta Munich wuxuu sheegay in weli loo arko inuu khatar ku yahay bulshada.

Xafiiska Gobolka Bavaria ee Magangalyada iyo Celinta (Bavarian State Office for Asylum and Repatriation) ayaa hore u baaray suurtagalnimada in la tarxiilo ninkan Soomaaliga ah. Tallaabadaasi waxay u baahnayd oggolaanshaha xeer-ilaalinta, taasoo hadda si rasmi ah loo diiday.

Qareenkiisa difaaca ee ay maxkamaddu u magacawday, Hanjo Schrepfer, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Jarmalka ee Dpa inuu u arko go’aankan mid “sax ah” oo “ku habboon.”

Schrepfer wuxuu sheegay in ay qasab tahay in lala socdo horumarka daweynta ninkan. Wuxuu intaa ku daray, “sida saxda ah,” in daweyntu aysan weli bilaaban karin sababtoo ah eedeysanuhu “weli ma qiran dambi.”

Weerarkii 2021-kii

Weerarku wuxuu billowday abaare 5:00 galabnimo gudaha dukaanka Woolworth ee ku yaal fagaaraha Barbarossaplatz ee Würzburg. Ninkii weerarka gaystay, oo xilligaas 31 jir ahaa, ayaa middi weyn oo jikada ah ka soo qaatay khaanad wuxuuna tooreeyeeyay dadkii wax ka dukaameysanayay.

Wuxuu dilay saddex haween ah: Steffi W., oo 24 jir ahayd, taasoo u dukaameysaneysay dhar arooska saaxiibaddeed; Christiane H., oo 49 jir ahayd, taasoo u dhimatay iyadoo gaashaan u ahayd gabadheeda 11-jirka ah; iyo Johanna H., oo 82 jir ahayd, oo la sheegay inay isku dayday inay soo farageliso.

Kaddib dukaanka ayuu ka baxay oo uu weeraray dadkii jidka marayay, isagoo dhaawacay sagaal qof oo kale, kuwaasoo dhowr ka mid ah uu soo gaaray dhaawac halis gelin kara noloshooda. Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu ku dhawaaqayay “Allahu akbar,” taasoo dhalisay cabsi markii hore laga qabay in falku lahaa ujeeddo argagixiso.

Dad rayid ah oo goobjoog ka ahaa ayaa ku eryaday kuraas iyo ulo, wayna hareereeyeen. Askari boolis ah ayaa lugta ka toogtay kaddibna waa uu xiray.

Taariikhda Cabdiraxmaan

Cabdiraxmaan Jibriil wuxuu Jarmalka yimid bishii Maajo 2015 isagoo ka yimid Talyaaniga, xilligaas oo ay jirtay xiisaddii qaxootiga ee Yurub. Wuxuu dalbaday magangalyo, isagoo sheegay in maleeshiyaad Islaamiyiin ah ay ku silciyeen Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa diiday codsigiisii magangalyada balse waxay siiyeen ilaalo hoosaad — oo ah xaalad la siiyo dadka aan u qalmin magangalyo balse la kulmi kara dhibaato culus haddii dib loo celiyo.

Weerarka ka hor, wuxuu ku noolaa xarun dadka aan hoyga lahayn oo lagu hayo oo ku taal Würzburg, wuxuuna lahaa diiwaan muujinaya gacan ka hadal iyo dhaqan aan la fahmi karin. Wuxuu dhowr jeer dad kale ugu hanjabay mindiyo. Bilo ka hor dilka uu geystay, isbitaal ayaa muddo kooban la dhigay qaybta cudurrada dhimirka kaddibna waa la sii daayay.

Maxkamadeyntiisii 2022, xeer-ilaalinta iyo khubarada maxkamaddu waxay sheegeen inaysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya xiriir argagixiso. Khubarada qiimeynta ku sameeyay ayaa ka marag kacay inuu qabay cudurka ‘paranoid schizophrenia’ uuna la kulmayay “maqal codad aan jirin” ama “codad gudaha ah” oo ku amrayay inuu dil geysto.

Maxkamaddu waxay go’aamisay inuusan dambi ahaan mas’uul ka ahayn falka, waxayna amartay in si aan xad lahayn lagu hayo xarun caafimaadka dhimirka ah oo si adag loo ilaaliyo, beddelkii xabsi la gelin lahaa.

Go’aankan toddobaadkan ka soo baxay xeer-ilaalinta ayaa hor istaagaya tarxiiliddiisa wuxuuna ku sii haynayaa daryeelka caafimaadka dhimirka ee Jarmalka, iyadoo lagu saleynayo qiimeynta khatarta ee socota.

The post JARMALKA oo go’aan lama filaan ah ka gaaray Soomaaligii fuliyey weerarkii Würzburg appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this