Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradkii la heshiiyay Xasan oo soo saaray dalab la xiriira doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
538110164_1231343699036767_3028249667201

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii mucaaradka ee dhawaan heshiiska la gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed guud oo ay uga hadleen doorashooyinka iyo xaaladaha ku geedaaman.

Xubnahan oo ka baxay Madasha Samatabixinta ayaa ku dhawaaqay Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal, Daahir Maxamuud Geelle iyo siyaasiyiin kale ayaa ku taliyey in bil kale dib loo dhigo qabashadda doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Siyaasiyiintan oo qayb ka ah ololaha doorashooyinka ayaa soo jeediyay in doorashada gobolka Banaadir ee qof iyo codka ah la qabto 30-ka December 2025, si ay waqti u helaan ururrada siyaasadda ee is-diiwaangeliyay.

“Kadib shirkiisii joogtada ahaa ee Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed (SDA) waxaa lagu taliyay in doorashada gobolka Banaadir la qabto 30-ka December 2025” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay ku diyaariyaan liiska musharrixiinta uga qayb-galaya tartamada ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir, si ay ugu diyaargaroobaan doorashooyinkaas oo ah kuwo adag.

Guddiga doorashada ayay sidoo kale ugu baaqeen inuu soo saaro jadwal rasmi ah oo qeexaya ololaha iyo kaar qaadashada taageerayaasha xisbiyada ka qayb-galaya tartanka.

Dhinaca kale, waxa ay ka hadleen is hortaagga lagu sameeyay urruraddooda, si ay u gaaraan xarumaha maamul-goboleedyada, iyaga oo guddiga ugu baaqay inuu jawaab deg-deg ah ka bixiyo arrintaasi, si wax looga qabto maamullada haatan hortaagn xisbiyada.

“Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed (SDA) wuxuu sidoo kale usoo jeediyay Guddiga Doorashooyinka Qaranku in uu jawaab ka bixiyo is hor-istaagga ay sameeyeen maamul goboleedyada qaarkood iyaga oo u diiday in ururrada siyaasaddu ka howl-gelaan, kana furaan xafiisyada xisbiyadooda degmooyinka ay maamulaan” ayaa mar kale lagu yiri.

Ugu dambeyn Isbaheysiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin 23 urur ayaa farriin u diray shacabka gobolka Banaadir iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen inay diyaargaroobaan kana qaybgalaan doorashooyinka bilaabanaya.

574377496_1369195414570535_1047561809647

The post Mucaaradkii la heshiiyay Xasan oo soo saaray dalab la xiriira doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this