Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN oo Markab Israa’iil laga Leeyahay ka doonaysa $170 milyan oo dollar

Recommended Posts

Deeq A.   

Garsoorka Iran ayaa dalbaday in lagu ganaaxo 170 milyan oo doolarka Mareykanka ah mulkiilaha markab xamuul ah oo horaantii sanadkii hore lagu qabtay gacanka Persian, laguna eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Israel.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa markabka la wareegay 20 bilood ka hor bishii April 2024 waxayna xidheen 25 ka mid ah shaqaalihii markabka, kuwaas oo qaarkood markii dambe la sii daayay.

Sannadkii hore, isla markii uu baahay warka ku saabsan qabashada markabka “meel u dhow marinka Hormuz”, ayaa la sii daayay muuqaal muujinaya ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran oo markabka ku galay diyaarad helikobter ah.

Asghar Jahangir, oo ah afhayeenka garsoorka Iran ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Tehran ku yidhi: “Qaar ka mid ah konteenarada markabkan waxay sideen walxo khatar ah oo waxyeello leh, kuwaas oo marka loo eego sharciga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee xeebaha Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan, lagu helay inay ku xad-gudbeen mabaadi’da marinka ee in ah in si dhib la’aan ah lagu maro, ayna khalkhal geliyeen nabadda, nidaamka, iyo amniga gobolka.” Waxa uu sheegay in dacwad ka dhan ah shirkadda iska leh markabkaasi la gudbiyay taa oo lagu eedeeyay “maalgelinta argagixisada”, arrintaasina ay ku socoto dib u eegis dhanka garsoorka ah, balse aan weli la cayimin xilliga la qaadi doono dacwadda. Asghar Jahangir ayaa sheegay in mulkiilaha markabka uu yahay “qof saameyn ku leh” dawladda iyo “kaaliyaha dhaqaale” ee ciidamada badda Israel. Maraykanka ayaa falkaasi ku tilmaamay mid “budhcad badeed” isagoo dalbaday in lasii daayo shaqaalahooda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sidoo kale ugu baaqay Midowga Yurub in ay Ilaalada Kacaanka Iran ku darto “ururada argagixiso”. Sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay garsoorka dalka Iran, markabkan marka laga reebo shixnaddiisa ayaa qiimihiisu dhan yahay 170 milyan oo doolar, wuxuuna siday 2,760 konteenar. Markabkan oo lagu magacaabo MSC Aris, isla markaana ku socda calanka dalka Portugal ayaa waxaa iska leh shirkadda Zodiac Shipping oo hore dhowr markab lagaga qabsaday biyaha ku teedsan dalka Iran.

Markii la qabtay markabka, Zodiac Shipping wuxuu sheegay in aanay mas’uul ka ahayn markabka, inkastoo uu xidhiidh la leeyahay MSC. Zodiac wuxuu sheegay inay “si buuxda mas’uul uga tahay” xamuulka, shaqaalaha iyo waddada uu qaadayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this