Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Waa Maxay sababta ay RSF xasuuq uga geysanayso magaalada Al-Fashir?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muhiimada istaraatijiga ah ee Al Fashir iyo waa maxay waxa ay lumiyeen milatariga iyo faa’iidada RSF? Al-Fashir waa magaalo qadiimi ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Suudaan, waxayna ahayd caasimadda gobolka waqooyiga Darfur, dhul taariikh dheer leh, hodan ku ah dhaqamo iyo qabiilooyin kala duwan, isla markaana mar ahaa wadnaha ganacsiga iyo xiriirka u dhexeeya galbeedka Afrika iyo Bariga dhexe.

Magaalada waxay qiyaastii 800 kiloomitir u jirtaa caasimadda Khartuum, waxayna ku fadhidaa dhul iska darka buuraley, carro midabkeedu casaanka yahay iyo dhul beereed bacrinta ku habboon oo deegaannada ku xeeran ay si weyn ugu tiirsan yihiin.

Dadka deegaanka, oo lagu qiyaaso boqollaal kun, waa kuwo nolol fudud ku nool ,xoolo dhaqato, beeralay iyo ganacsato yar-yar, halka magaalada gudaheeda ay ku yaalaan suuqyo waaweyn oo isku xidha dalagyada miraha, galleyda iyo xoolaha nool ee laga keeno tuulooyinka Darfurta kale.

Taariikh ahaan Al-Fashir waxay ahayd xarun uu boqoradii Darfur ku lahaa qalcad iyo qasri, halkaas oo ay safarradii ganacsiga ee ka imaan jiray Fezzan, Chad, iyo Masar ay marayeen, ka hor inta aan saldanaddii Darfur lagu darin dawladnimadii Suudaan ee casriga ah qarnigii 20-aad.

Waxa maanta ka dhigay Al-Fashir mid muhiim ah ayaa ah isku dhafka taariikh, juqraafi iyo istiraatiijiyad militari.

Magaalada waxay tahay albaabka waqooyi ee Darfur iyo xarun maamul oo muhiim u ah dawladda dhexe. Waxa ay sidoo kale tahay meel xiriirisa magaalooyinka kale ee muhiimka ah sida Nyala iyo El Geneina. Sidaas darteed, cid kasta oo gacanta ku dhigta Al-Fashir waxay si dhab ah u xakameynaysaa jihada waqooyi ee Darfur. Taasi waa sababta ay ciidamada RSF ugu taamayeen in muddo dheer ay gudaha u galaan magaalada, maadaama ay tahay calaamad awood iyo xasillooni siyaasadeed oo ay SAF, ciidanka qaranka Suudaan, weli ku haysteen gobolka.

Muddo bilooyin ah Al-Fashir waxay ahayd goob go’doon ah oo RSF ay hareeraysay, iyadoo la gooyey waddooyinka sahayda, la jaray isgaarsiinta, lana kordhiyay weerarrada cirka iyo madaafiicda dhulka , taas oo ugu dambeyntii sababtay in magaalada ay ku dhacdo gacanta RSF.

Qabsashada RSF ee Al-Fashir ma ahayn oo keliya guul milatari, balse waxay ahayd calaamad weyn oo muujinaysa isbeddelka awoodda ee ka socda Suudaan.

Ciidamadan ka soo farcamay Janjaweed-kii Darfur ee caan baxay intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, waxay magaalada u arkayeen xarun istiraatiiji ah oo ay ku xoojin karaan gacanta ay ku hayaan Darfur oo dhan. Marka ay Al-Fashir ku guuleystaan, RSF waxay heli karaan laba faa’iido oo waaweyn; mid milatari iyo mid siyaasadeed.

Dhinaca milatariga, waxay si buuxda u xakameyn karaan waddooyinka sahayda ee isku xira woqooyiga iyo bartamaha Suudaan, halka dhinaca siyaasadda ay ku kasbanayaan kalsooni beelaha qaar iyo awood ay ku sheegan karaan maamulka gobolka.

Waxaa sidoo kale jira arrin kale oo RSF u aragto muhiim; Al-Fashir waa magaalo ay ku yaalaan kumannaan xarumo barakacayaal ah oo kasoo qaxay dagaalladii hore ee Darfur, taas oo macnaheedu yahay in cidda maamusha magaalada ay gacanta ku hayso nolosha boqollaal kun oo rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee, qabsashada magaalada waxaa dhinac socotay khataro waaweyn oo bani’aadamnimo.

Warbixino caalami ah iyo kuwa maxalli ahba waxay sheegayaan in RSF ay fulisay dilal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyadoo lagu eedeeyay in ay beegsatay qabiilooyin gaar ah oo aan Carab ahayn, kuwaas oo ku nool waqooyiga Darfur.

Xogaha laga helay hay’adaha samafalka iyo warbaahinta caalamka waxay tilmaamayaan in kumannaan qof lagu laayay duleedka Al-Fashir, iyadoo meelo ay rayidku isku dayayeen in ay ku dhuuntaan la weeraray ama la gubay. UNICEF iyo Qaramada Midoobay waxay ku tilmaameen xaaladda magaalada mid argagax leh , maadaama in ka badan 800,000 carruur ah ay halis ugu jiraan gaajo iyo cudurro ka dhashay go’doonka iyo dagaalka. Dhakhaatiirta deegaanka ayaa sheegay in isbitaalladii magaalada ay ka dhammaadeen dawo, halkii dadkii dhaawaca ahaanna ay isbitaallada uga daba yimaadeen dagaalyahannada RSF oo toogasho ka geystay gudaha isbitaallada.

Su’aasha muhiimka ah ayaa ah maxay RSF dadka rayidka u beegsanaysaa haddii ay magaalada qabsadeen? Jawaabta waxaa laga raadin karaa dhaqanka dagaalka ee kooxdan oo muddo dheer lagu eedeeyay in ay isticmaasho cabsi gelin iyo nadiifin qowmiyadeed si ay u xoojiso xukunkooda, laakin qabsashada Al Fashir ayaa dunidda oo dhan tustay dagaalyahannada RSF inay yihiin kuwa ka fog bani’aadanimada oo arxan darran, qof walbana wuxuu arkay wajiga wasaqda ah ee kooxdan oo aan anshax barin dagaallamayaashooda. Al-Fashir waxaa ku badan beelaha Zaghawa iyo Fur qowmiyado aan Carab ahayn oo taariikh ahaan xiriir adag la lahaa ciidanka caadiga ah ee Suudaan (SAF). RSF, oo ay hoggaaminayaan madax u badan beelaha Carabta ee reer koonfureedka Darfur, waxay u arkayeen in ka saarista kooxahan ay muhiim u tahay in ay xasiliso xukunka magaalada iyo in ay jabiyaan meel kasta oo taageero ka heli karto SAF.

Sidaas darteed, weerarrada lagu qaaday xaafadaha dadka aan Carabta ahayn waxaa loo arkaa qayb ka mid ah xeelad dagaal ah oo lagu burburinayo dhidibka taageerada cadowgooda. Dhanka kale, ciidamada qaranka Suudaan waxay lumiyeen wax ka badan magaalo , waxay lumiyeen calaamaddii ugu dambeysay ee awoodda dawladnimada ee gobolka Darfur. Ilaa hadda Al-Fashir waxay ahayd magaaladii ugu dambeysay ee nidaam dawladeed ka jiro oo ka tirsan Darfur oo ay haysteen.

Halkaas waxaa ku yaallay xarumo ciidan, isbitaallo dawladeed, iyo maamul goboleedyo hoos imanayay Khartuum. Marka RSF ay gacanta ku dhigto magaalada, waxay ka dhigan tahay in milatariga Suudaan uu ka baxay gobolka oo dhan, isla markaana ay waayeen meel ay ku keydiyaan sahay, hub iyo ciidamo. Waxaa sidoo kale saameyn ku yeelatay sumcadda ciidamada qaranka, maadaama luminta Al-Fashir ay muujisay daciifnimadooda difaac iyo isku xirnaanta hoggaankooda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maalmo ka hor inta aysan RSF gudaha u gelin, ciidamada qaranka ay isaga baxeen qaybo ka mid ah magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in ay hareereeyaan RSF oo hub iyo ciidamo badan haysta. Faa’iidada RSF ka hesho gacan ku haynta Al-Fashir waa mid aad u ballaaran. Marka hore, waxay helayaan meel dhexe oo ay kaga dhaqaaqi karaan hawlgallo kale oo Darfur ah, isla markaana ay ku urursan karaan sahay, hub iyo dhaqaalaha lagu xakameeyo suuqyada iyo canshuurta deegaanka. Marka labaad, waxay awood u leeyihiin in ay abuuraan maamul maxalli ah oo ay ku magacaabaan saraakiishooda, taas oo siinaysa muuqaal dawladnimo oo iyaga gaar ah. Marka saddexaad, waxay kasbanayaan sumcad siyaasadeed oo ka dhigaysa in ay isu arkaan awood la mid ah dawlad.

Haddii ay sii hayaan Al-Fashir muddo dheer, RSF waxay noqon karaan xoog siyaasadeed oo ka madax bannaan dowladda dhexe ee Khartuum, taas oo keeni karta kala go’ ama nidaam laba dawladood ah oo dalka Suudaan kusoo food leh. Ugu dambeyntii, Al-Fashir waa indhaha Darfur, qalbiga waqooyiga Suudaan, iyo imtixaanka ugu adag ee muujinaya halka uu u socdo mustaqbalka Suudaan. Qof kasta oo doonaya inuu fahmo Suudaan maanta waa inuu fahmaa waxa ka socda Al-Fashir ,sababtoo ah halkaas ayaa laga arki karaa isbeddelka ugu weyn ee awoodda, kala qaybsanaanta, iyo dagaalka cusub ee ku saleysan cidda u qalanta in ay xukunto dhulkaas qadiimiga ah. Dagaalkaas, sida muuqata, wali ma dhammaan, balse Al-Fashir waxay horey u noqotay calaamaddii ugu weynayd ee beddeshay taariikhda dagaalka Suudaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this