Sign in to follow this  
Deeq A.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐥𝐞𝐲𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Recommended Posts

Deeq A.   

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐥𝐞𝐲𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

FB_IMG_1761652203548-300x200.jpg

FB_IMG_1761652206895-300x200.jpg

FB_IMG_1761652210814-300x200.jpg

FB_IMG_1761652215481-300x200.jpg

FB_IMG_1761652240219-300x200.jpg

FB_IMG_1761652279853-300x232.jpg

FB_IMG_1761652272618-300x240.jpg

FB_IMG_1761652276305-300x240.jpgFB_IMG_1761654173407-300x240.jpg

FB_IMG_1761652269629-300x240.jpg

FB_IMG_1761652266028-300x240.jpg

FB_IMG_1761652262896-300x240.jpg

FB_IMG_1761652250478-300x240.jpg

FB_IMG_1761652247071-300x240.jpg

FB_IMG_1761652244040-300x300.jpg

FB_IMG_1761652236518-300x240.jpg

FB_IMG_1761652233018-300x240.jpg

FB_IMG_1761652226899-300x200.jpg

FB_IMG_1761652223181-300x200.jpg

FB_IMG_1761652219151-300x200.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Warshadleyda dalka, kulankaasi oo ay codsadeen maamulka sare ee Warshadleyda JSL.

Ugu horrayn, Warshadleyda Dalku waxa ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen hawlaha muhiimka ah ee uu qabtay muddadii koobnayd ee uu talada dalka hayay, gaar ahaan arrimaha nabadaynta iyo xasilinta gobollada bariga, Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xoojinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka.

Warshadleyda dalku waxa ay Madaxweynaha la wadaageen Duruufaha iyo Cabashooyinka ay qabaan, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha Cashuur Dhaafka Qalabka, Mishiinnada iyo Agabka (𝐫𝐚𝐰 𝐦𝐚𝐭𝐞𝐫𝐢𝐚𝐥𝐬), Warshadaha. Sidoo kale, Warshadleydu waxa ay ka cawdeen maalgelin la’aan iyo tartanka adag ee ay kala kulmaan Badeecadaha lagu soo warshadeeyo dibedda. Waxaana ay codsadeen in ay Xukumaddu hoos u eegto duruufaha ku xeeran Warshadleyda dalka

Madaxweynuhu waxa uu si taxaddir leh u dhegeystay dhammaan arrimaha ay Warshadleydu ka cabanayeen, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan soo wax-saarka gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu Warshadleyda u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay si dhab ah u eegi doonto arrimaha ay ka cabanayaan, si loo helo xal waara oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo horumarinta Warshadaha Maxalliga ah.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Warshadleyda dalka loo fududeyn doono helitaanka dhul bilaash ah oo ay Warshadahooda ka dhisan karaan, isla markaana Xukuumaddu ay dadaal xooggan ku bixin doonto in ay helaan Shidaal jaban, Koronto jaban, iyo Cashuur-dhaaf Sharci ah wixii 𝐗𝐄𝐄𝐑𝐀𝐑𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐔 ay Warshadleyda dalka xaq u siinayaan.

Madaxweynuhu waxa uu Warshadleyda xasuusiyey in wax-soo-saarka Warshadaha ee gudaha dalku uu yahay furaha horumarka iyo madaxbannaanida dhaqaale ee dalka, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la abuuro Siyaasad iyo Istiraatiijiyad Qaran oo dhiirrigelisa Warshadaha Maxalliga ah, laguna ilaaliyo tartan caddaalad ah oo ka dhexeeya alaabta gudaha iyo tan dibedda lagu soo warshadeeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maamulka sare ee Warshadleyda dalka u sheegay in wixii Warshadleyda u dan ihi ay Xukuumaddana dan u yihiin.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo niyad-wanaag, iyada oo Warshadleydu ay soo dhaweeyeen hadalka Madaxweynaha, isla markaana uga mahad celiyeen dedaalkiisa iyo aragtidiisa fog ee uu ku wajahayo horumarinta Warshadaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this