Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Raysalwasaaraha Itoobiya oo maanta wax laga weyddiiyay heshiiyadii uu la galay Somaliland iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

31624bc0-b40f-11f0-ba75-093eca1ac29b.jpg

Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa mar kale ku celiyay sida ay Itoobiya ku lumisay Badda Cas oo uu sheegay โ€œin qaladaad sharci ah ay ka jiraanโ€.

Abiy waxa uu sheegay in goโ€™aanka uu dalkiisu ku lumiyay marin-badeedka Badda Cas aanu ahayn mid ay gaadheen golihii wasiirrada ee waqtigaas, islamarkaana aanay jirin hayโ€™ad sharci ah oo ansixiyay, baarlamaan meelmariyay iyo afti laga qaaday shacabka Itoobiya.

โ€œItoobiya badda waxay ku wayday halgan qaatay 30 sano. Rafaad badan ka dib ayay weyday. 30 sano oo dambe in ay qaadan doonto uma malaynayo. Waddo xasilloon oo wadahadal ah in lagu socdo ayaa loo baahan yahay,โ€ ayuu yiri Abiye.

Isaga oo ka hor hadlayayay baarlamaanka ayuu hadalkiisa raaciyay: โ€œMarkii aan rogrognay documentiyadii golaha wasiirrada wax ku jira ma leh. Golaha wasiirradu kama warqabin. Maya eโ€™ waxa ansixiyay golaha wasiirrada. Baarlamaanku waxba kama ogayn. Xitaa waxba kama jiraan in dadka Itoobiyaanka ah afti laga qaadayโ€.

Intii uu socday fadhiga baarlamaanka ee dalka Itoobiya, xildibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Shacabka ayaa weyddiinayay weyddiimo toos ah. Waxa ka mid ahaa xildhibaanka mucaaradka ah ee la yidhaahdo Desalegn Chaneoo isaga suโ€™aashiisu ay u dhignayd sidan:

โ€œDawaldda qaabka ay wax u waddo waxa uu u muuqdaa mid aan natiijo lahayn. Markii kowaad, Eriteriya ayaa heshiis lala galay. Waxa la sheegay in dekadaheeda la isticmaalayo oo waxa la dayactiray waddooyinkii. Qaab aanaan ogayn ayaa loo joojiyay. Haddana, waxa heshiis lala galay Somaliland. Mar kale, Jabuuti ayaa lagu la heshiiyay horumarinta dekadda Tajoora. Jeer kalana, Ankara ayaa Soomaaliya lagu la kulmay. Laakiin natiijo la taaban karo laga ma soo hoynโ€ฆ mudane, raysalwasaare, miyaanay ahayn in khaladaadkeenna aan wax ka baranno?โ€

Ka jawaabista suโ€™aalahaas iyo qaar kale, waxa uu raysalwasaare Abiy bixiyay sharraxaad ballaadhan oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee ah in ay hesho marin-biyood in uu yahay in uu yahay mid sharci ah. Dhinaca kale, waxa uu codsaday in caalamku ay ka garaabaan oo ay qaataan door dhexdhexaadin ah.

โ€œHaddii dagaal dhaco waa la yaqaan natiijadiisaโ€
Dhinaca kale, waxa uu farriin adag u diray Eretriya oo in muddo ah xidhiidh ka dhaxeeya labada dal aanu wanaagsanayn. Abiy waxa uu mar kale ku celiyay in aanay Itoobiya wax qorshe ah ka lahayn dagaal dhex mara iyaga iyo Eretriya.

โ€œWalaalahayo Erteriya waxa aan ugu baaqayaa, dagaal idin lama rabno, laakiin xabbad-gudbiyayaal ha noqonina. Dal noqda. Ma fiicna in dalal deris ah xabbad la isugu gudbiyo. Ka waantooba arrintaasi. Tuhun ma ah ee waan aragnaa,โ€ ayuu yiri Abiy.

โ€œAnigu waan rabaa sidii hadda ka horba aan sameeyay in aan Asmara tago. Dagaal ma rabno. Mashaariic balaayiin doollar ah ayaan ka shaqaynaynaa. Dagaal wakhti uma haynno. Haddii dagaal dhaco waa la yaqaan natiijadiisa. Wixii intaa ka dambeeyaana waa qaylo uun. Sidee qof isugu aamina karaa dal kale oo uu u dhihi karaa dal hebel baa i caawinaya, iyada oo la arkayo Ukrayn iyo Falastiin. Cid kuu dhimanaysaa ma jirto aan ka ahayn in niyadda laguu dhiso,โ€ ayaa uu raaciyaya hadalkiisa Abiy.

Source bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this