Sign in to follow this  
Maaddeey

5 Askari oo qarax lagu dilay!

Recommended Posts

Maaddeey   

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Riddada oo lagu weeraray degmada Xamar Jajab.

 

 

 

Tiro ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Riddada ah ayaa ku bakhtiyay qaar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii qarax lagula beegsaday afaafka hore ee xerada Iskool Bulisiyo degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho .

 

Maleeshiyada oo ka tirsanaa kuwa loogu yeero Booliska ayaa xilliga la weerarayay waxay lugaynayeen goobta qaraxa lagula beegsaday iyagoo kusii jeeday gudaha Iskool Bulisiyo, Waxaana Saraakiisha Mujaahidiinta ee fuliyay weerarka ay u xaqiijiyeen Mu’assasada Al-kataib bakhtiga 4 kamid ah Maleeshiyada oo goobta looga tegay halka 7 kalena uu dhaawac soo gaaray kuwaas oo loola cararay dhanka Isbitaalka Saliibiyiinta Yugaandha ee ku yaala gudaha xerada Xalane .

 

Maleeshiyada maanta la beegsaday iyo saaxiibadooda saldhiga ku leh Iskool Bulisiyo ayaa ah kuwo dhibaato lixaad leh ku haya shacabka ku dhaqan degmada Xamar Jajab waxaana maalimihii lasoo dhaafay warbaahinta Muqdisho laga maqlayay waalidiinta dhalinyaro fara badan oo ay qafaaleen Maleeshiyadaasi kuwaas oo laga dalbaday in madax furasho laga dhiibto hadii kale lagu eedeyn doono inay ka tirsanyihiin Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

Guutooyinka kala gadisan ee Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ugaarsi ku haya Maleeshiyada, Saraakiisha Kooxda Riddada iyo Saliibiyiinta Afrikaanka ah ee ku sugan qaybo kooban oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaare joogta ah oo ay Mujaahidiintu u geystaan cadawgaas isku bahaystay sidii uu Nuurka Allaah ee ka iftiimay Soomaaliya u damin lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Shan askari oo ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Waaberi

 

Ugu yaraan Shan askari oo ka mid ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo qof rayid ah ayaa ku geeriyooday kadib qarax goor dhoweyd ka dhacay agagarka xerada Afisyooni ee degmada waaberi.

 

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka la galiyo, iyadoo askarta lala beegsadayna ay ahaayeen kuwii dhowaan lagu soo tababaray dalka Uganda.

 

Majirto cid ilaa hadda sheegatay qaraxaasi, sidoo kalena majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda KMG soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

5 Askari oo qarax lagu dilay

:D:D .. is this your news ?? ,,,

 

 

maalin dhawaydna waxaad lahayd silsilad baaa kaare laga jaray ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Kuma fahmin!, maxaad ula jeeddaa?.

 

Ma waxaad rabi lahayd, inaan soo qoro: 'Kirishtaanka Soomaaliyeed & Axwaashooda'?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Haddaan ku gartay!, saad mooddo maaha oo maalin walba 5 askari Xamar laguma dilo!.

 

Waraabe oo Balli-Gubadle tegayna waa News, 5 Askari oo la dilayna News maaha?, Adduun!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this