Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo mar kale u fariisatay kiiska dilkii hooyo iyo carruurteeda oo dhowaan gobolkaas lagu diley

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta mar kale u fariisatay dhageysiga dacwadda loo haysto saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dilkii hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo carruurteedii yar-yaraa, kuwaas oo dhowaan lagu diley gobolka Galgaduud.

Ragga la horgeeyay maxkamadda ayaa lagu kala magacaabay Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen, iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi,Xeer Ilaalinta Galmudug ayaana soo bandhigtay caddaymo cusub oo la xiriira kiiska, kuwaas oo ay sheegeen in ay muujinayaan kaalinta eedeysaneyaasha ee dilkaas foosha xun.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ehellada marxuumiinta iyo dad goob-joogayaal ah ayaa maxkamadda horti ka marqaati furay, iyagoo sheegay in eedeysaneyaashu ay ahaayeen dadkii ugu dambeeyay ee lagu arkay hooyada iyo carruurteeda ka hor dilkooda.

Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa soo gebagebeeyay guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, kaas oo sheegay in kiiska uu marayo meel xasaasi ah, isla markaana la filayo in fadhi kale oo dhawaan la isugu yimaado go’aan kama dambeys ah looga gaaro eedeysaneyaasha.

Kiiskan ayaa si weyn u hadal hayn uga dhaliyay guud ahaan deegaannada Galmudug iyo dalkaba, maadaama uu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca gobolka sannadkan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this