Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal wasaarihii Faransiiska oo is-casilay saacado kaddib markii golihiisa wasiirrada la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal wasaarahii Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa iscasilay saacado un kaddib markii golihiisa wasiirrada la shaaciyay.

Qasriga Elysée ayaa ku dhawaaqay arrintaas kaddib kulan saacado qaatay oo uu Lecornu la yeeshay Madaxweynaha Emmanuel Macron subaxnimadii Isniinta.

Tallaabadan lama filaanka ah waxay timid kaliya 26 maalmood kaddib magacaabistiisa oo daba socotay markii ay dhacday xukuumaddii uu hoggaaminayay François Bayrou.

Xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka (National Assembly) ayaa si xooggan u dhaliilay golaha wasiirrada ee uu Lecornu soo dhisay, maaddaama uu si weyn ugu eg yahay kii Bayrou, waxayna xisbiyadu ku hanjabeen in ay codka kalsoonida ka qaadi doonaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this