Deeq A. Posted yesterday at 05:49 AM Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa wadahadal uga socdaa magaaalda Kismaayo, iyadoo labada dhinac aysan weli wax isfahan ah gaarin. Kulankii ugu horreeyay oo ay xalay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Jubaland ayaa is-faham la’aan ku dhammaaday, kaddib markii ay isku mariwaayeen qodobo sal u ahaa khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka. Jubaland ayaa doonaysa in dowladda federaalka ay si rasmi ah u aqoonsato doorashadii Kismaayo ee dhammaadkii sanadkii hore markii saddexaad lagu doortay Axmed Madoobe. Halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkaysanayo in Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadaas, isla markaana uu aqbalo doorashada qof iyo cod ee heer dowlad goboleed oo qaban doono mustaqbalka dhow, sidoo kale uu dib ugu soo laabto Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa maanta mar kale kulan yeelan doona, iyadoo ay socdaan dedaallo ay hormuud ka yihiin dalalka deriska ah oo lagu doonayo in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubaland. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee wadahadallada Kismaayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites