Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadalladii Kismaayo oo natiijo la’aan ku dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1759740561230.jpg?resize=1000%2C8

Wadahadalladii Kismaayo uga socday madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Jubaland ayaa natiijo la’aan ku soo goba-gaboobay, kaddib markii ay isku fahmi waayeen qodobadii salka u ahaa khilaafka labada dhinac.

War-saxaafadeed kooban oo dhanka madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay shirka ayaa lagu yiri “waxaa maanta soo gaba-gaboobay wajigii koowaad ee wadahadalladii socday, iyadoo lagu balamay in wadatashiyadu sii socdaan, dibna la isugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wadahadalka”.

1000072863.jpg?resize=1000%2C1222&ssl=1

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, isaga oo aan wax natiijo ah ka gaarin shirkii Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonayay in uu Axmed Madoobe ku qanciyo inuu ka laabto doorashadii sanadkii hore lagu doortay, isla markaana uu aqbalo doorashada qof iyo cod ee heer dowlad goboleed oo la qaban doono mustaqbalka dhow, sidoo kale uu dib ugu soo laabto Golaha Wadatashiga Qaran.

PUNTLAND POST

The post Wadahadalladii Kismaayo oo natiijo la’aan ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this