Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo u mahadcelisay dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
1000072939.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Jubaland ayaa ka hadashay shirkii natiijo la’aanta ku dhammaaday ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ku yeesheen magaalada Kismaamo.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wadahadal iyo in loo midoobo ajendayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro”.

Jubaland ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay dowladda Kenya oo garwadeen ka ahayd wadahadallada fashilmay ee ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Jubbaland.

“Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelinaysaa dowladda Kenya dadaallada ay ku bixinayso sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanta jirta iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya” ayaa  lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

1000072934-1.jpg?resize=924%2C1440&ssl=1

PUNTLND POST

The post Jubaland oo u mahadcelisay dowladda Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this